Rakaab sababay inay si deg-deg ah u cago-dhigato Diyaarad u kala gooshaysay Yurub iyo Afrika

Sidaana waxa lagu baahiyey Wargeyska Le Monde ee ka soo baxda Dalka France, kaas oo sheegay in mid ka mid ah rakaabkii diyaarada uu ku kacay falal aad u layaab badan  oo sababay inay is gacan saaraan qaar ka mid ah rakaabka diyaaradaasi.

 

Ninka Rakaabka ah ee ku dhex dagaalamay diyaaradda oo da’diisa lagu sheegay 30 sanno jir, ayaa u dhashay Dalka Tunisia. Ninkan ayaa waxa uu Salaad ku tukaday Qolka Duuliyaha Hortiisa waxaanu markii uu salaadda ka baxay kadib uu bilaabay inuu la dagaalamo qaar ka mid ah ciidammada Ammaanka isagoo ku dhawaaqay Allaahu Akbar.

 

Arrintaasi ayaa waxay sababtay in diyaaradaasi ay si degdeg ah u caga dhigato waxaana ninkaasi isla markiiba gacanta ku dhigay ciidamada Amaanka waxaana ninkaasi lagu sameeyay baadhitaan. Ninkaasi ayaa waxa ay ciidmada Amaanka ee Dalkaasi ay sheegeen in la dhigay dhakhtar dhimirka halkaasina lagu dawaynayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker