Ra’iisul Wasaaraha somaliya oo Gaadhay Beledweyne
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu tahay u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.