Turjumaanada ciidamada Qaramada Midoobay ee Jarmalka ee jooga Mali waxay ka baqayaan masiirka qaabkii Taliban oo kale

Turjubaano u shaqeeya ciidamada Germany ee nabad ilaalinta u jooga Mali ayaa BBC-da u sheegay in ay u baqayaan naftooda xilli howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka ku yaalla Galbeedka Afrika uu si dhamaanayo.

Turjubaanada 19-ka ah ayaa 7dii Agoosto warqad u qoray dowladda Jarmalka iyagoo codsanaya in la ilaaliyo maadaama kooxaha jihaad doonka ah ee ka howlgala waqooyiga Mali ay u arkaan kuwa la shaqeeya UN-ka inay yihiin khaa’inul waddan.

“Argagixisadu waxay si cad u sheegeen in qof kasta oo u shaqeeya ciidamada caalamiga ah loo aqoonsan yahay cadow,” ayuu BBC-da u sheegay tarjumaan ka tirsan ciidamada Jarmalka ee Qaramada Midoobay oo magaciisa loo qariyay.

Dhawr todobaad ka dib markii turjubaanadu ay direen warqadooda, waxaa online ka soo muuqday sawiro muujinaya saaxiibkood Hachimi Dicko oo ay dileen rag hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee IS.

32-jirka reer Mali waxa uu qandaraasle hoose uga soo shaqeeyay Camp Castor, oo ah saldhigga ay maamulaan askarta Jarmalka ee Qaramada Midoobay ee Gao, oo ah magaalada ugu dadka badan waqooyiga Mali.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker