24KII SARKAAL EE INQILAABKA SAMEEYAY 1961DII, HADDAY QALDANAAYEEN, MAANTA ISRAACII XAMAR KAMAYNAAN NOQONEEN. IYAGA AYAA MUDAN IN TAALLO LOO DHISO, INTA SAYID MAXAMED C. XASAN AY WAXMAGARATADU MAGACA KU RAADSANAYAAN.

Waxaad goor walba arkaysaa dad waxmagarato ah oo taariikhda Somaliland iska hor iyo dabo keenaya, oo sida mullaaxda u calaalinaaya. Waxa ayaan darro ah marka qofku gacantogaaleeyo taariikh aanu waxba ka garanaynin.

 

Marka hore waxaa is weyddiin leh, foolxumada ay samaynayaan dad sheeganaya diktooro, oo aan garanaynin meeqaamka laga rabo warkiisa qofka sheegta diktoor. Waxaa qofka looga baahan yahay inaanu sida caammada iska laabkicin, ee taariikhda baadho, oo gunta soo taabto.

 

Maxay ku kala duwanyihiin 24kii geesi ee inqilaabka sameeyay sanaddii 1961dii, iyo Sayid Moxamed Cabdalle Xasan.

 

Haddaynu si kooban uga faalloono Sayid Moxamed, waxuu ahaa nin ay soo dirteen duufaantii wahaabiyada ahaa ee ka curtay boqortooyadii Sacuudiga bilawgii qarnigii 19aad. Waxuu ka mid ahaa wadaaddadii loosoo adeegsaday inay duufaankaas soo geliyaan ummadaha muslimka ah ee qaaradda Afrika ku yaalla.

 

Waxaa duulaankaas loo adeegsaday dad u dhashay deegaamadaa ay rabeen inay ku abuuraan maamullo ka soo jeeda wahaabiyada, oo uu taageero siin jiray xulafadii Turkiga iyo Sacuudigu.

Waxaynu xasuusanaa Mahdigii Suudaan, oo xoog badan la galiyay, dagaalna ka sameeyay deegaamadaa uu udhashay.

 

Sayid Moxamed Cabdalle Xasan waxuu xisaabsanaa waali uga wakiil noqda deegaanka Soomaalida.

Sida ka muuqata Magaca uu la baxay, marna muu sheegan Sheekh, ee waxuu isku magacaabi jiray Sayid.

Erayga Sayid waxuu la macno yahay erayga gumaysigu isku magacaabi jiray ee Maaster(Master).

 

Waxaynu ognahay in dadka soomaalidu ahaayeen dad diinta aad ugu dhaggan, oo isku xukuma markay dhibaato soo kala dhex gasho shacbigooda, iyaguna ku camal fala diinta islaamka.

Sayid Moxamed markuu arkay inaanay u suuro galaynin inuu duufsado dadkii deegaanka, oo odayaasha reeruhu talada bixin jireen, ayuu goostay inuu sameeyo casaabad xoog dadka ku maamusha.

 

Waxuu abuuray wax uu ku magacaabay ciidanka Sayidka oo daraawiish uu u bixiyay.

Eraygu waxuu ka soo jeedaa Turki, ama la macno yahay Xer, oo ah dad quraanka sheekh ka barta.

Maynu maqal daraawiish quraan dhiganaysa, mid duullaan reeraha iyo dagaal ku jirta mooyaane. Waxaanay deegaanku u arkeen maamul doon, intii ka dambaysay markii Sayidku galalafay culimadii Khasuusiga la odhan jiray ee lixdanka ahaa, oo markii hore moodayay inuu Diinta hoggaan ugu yahay, hase ahaatee uu ka dhigay wax uu dilo, wax baxsada, iyo waxuu xaruntii ku sii dhex daayay.

 

Maalintaa waxuu caddaystay inuu yahay nin u buka xukun oo aan diin danaynaynin. Waxuu ciidankiisa ku weeraray beelihii deegaanka, oo wixii aan xukunkiisa oggolayni carradii uga baxday, kii meel uu tago waayayna iska hoos fadhiyay.

 

Waxuu Turkiga iyo boqortooyadii Sacuudiga ee soo diratay ka helay hub xoog leh, waxaanu khatar geliyay dadkii deegaanka.

Ruuxu markuu fallaag noqdo xeerka u yaallay beelihii Soomaalida, inaan reerkooda loo raacin waxii uu gaysto qofkaasi ama beelaha uu dhibaateeyo, iyagana aan loo raacin waxii ay dhib isaga gaadhsiiyaan.

Taasi waxay keentay in beesha uu ka soo jeedo, oo iyaga laftooda uu duullaamo badan ku qaaday iska beri yeeshay dhibka uu gaysto iyo cidda uu beelaha kale kadilo.

 

Beelihii soomaaliyeed ee deegaanka ku noolaa, ee uu nabaddoodii iyo deegaankoodiiba khatarta ku abuuray, waxay u adkaysan waayeen qof diiday in sheekh loogu yeedho, oo Sayid(MASTE) la baxay.

Waxay bilaabeen abaabul sidii ay isaga celin lahaayeen, taas oo ay ingiriiska weyddiisteen inuu gargaar siiyo, maadaama uu nabadgelyadoodii khatar gelinaayo Sayid Moxamed Cabdalle Xasan, isagoo xoog inuu ku maamulo raba, si uu wahaabiyadda ugu fidiyo deegaanka Soomaalida.

 

Waxuu dagaal ku bilaabay meel kasta oo ummadda soomaaliyeed degantay, markiise uu arkay in dadkii isu hubeeyeen sidiisa oo awooddii u rabay u shaqayn wayday,, ayuu keenay inuu yidhaa gaalkii ingiriiska ayaan la dagaallamayaa. Si uu shacbiga soomaalida uga helo taageero. Taas oo uu ka waayay, markii la arkay inuu fikirkiisu yahay inuu ummadda maamul aanay ka raalli ahayn oo sida Shabaabka maanta jira u dhaqma.

 

Haddaynu dib ugu noqono 24kii Geesi(Saraakiishii inqilaabka 1961kii)  

Saraakiishii ka soo jeedday Jamhuuriyaddii calanka qaadatay 26kii juun 1960kii, waxay xaqiiqsadeen in midawgii labadii dawladood ee soomaalida ahaa aanu sidii la rabay u socon, kuna soo wado shacbigii ka soo jeeday somailand dhibaato xoog leh.

 

Waxay arkeen inaan shacbigooda loo qaddarin sidii laba dawladood oo wax isku darsaday, ase ay jamhuuriyaddii ka dhalatay gumaysigii talyaanigu qobolkii uu ka kacay, ay isu arkeen kuwa xaqa ah, ee talada dalka iyo sharcigiiba maroorsadaan.

 

Saraakiishii inqilaabka samaysay waxaa u muuqatay inaan meeshaa wax midaw laba dawladood ahi ka jirin, hase ahaatee uu noqday dawlad liqday dawlad kale.

Waxaa 1961kii la dhaqan geliyay dastuur ay soo qorteen kooxdii ka socotay baarlamankii xamar, iyadoo aanay awood u lahayn kooxdii ka socotay baarlamankii Hargaysa ka tagay, oo ahaa 1/4. baarlamankii la sameeyay.

 

Saraakiishii inqilaabka samaysay markii maxkamad lasoo taagay, ee lagu eedaynayay inay dalka afgembi ka samaynayaan, waxaa fashilantay midawgii la sheegayay iyo heshiis labadii dawladood ka dhexeeyaa inaanu meesha oollin.

Waxaa maxkamadda dhexdeedii laga caddeeyay inaanu jirin heshiis la qortay, oo la meelmariyay inay si sharci ah israaceen, wax qoraala oo caddaynaya meesha waa laga waayay.

Waxaa imanaysa goorma ayaa haddaba dib loo midoobay.. ma 1961kii ka dib. Haddiiba xeer qabta laga waayay, isla maxkamadda dhexdeediina laga sii daayay. Waa suaal meesha taalla.

Israacii labada dal wax caddeeya waxaa ugu horraysay dastuurkii xamar ay keligeed samaysay, oo aan lagu fulin karin gobolkii jamhuuriyadda somailand ka soo jeeday.

Waxaa halkaa ka caddaatay in saraakiishaa la eedeeyay, ay weli ku hoos jireen dastuurkii uu kaga tagay ingiriisku, wax beddelayna aanu jirin, sidaa awgeed aan lagu xukumi karin, dastuurka xukunkii talyaanigu kaga tagay gobolkii ka xoroobay ee xamar joogay.

 

Saraakiishii loo haystay khiyaamo qaran, iyo dil, waxay si xorriyad ah uga soo baxeen dambigii loo haystay. Waxaase laga qaaday darajooyinkii ay lahaayeen, waxaana laga dhigay shacbi.

Xukuumaddii baadilka ahayd ee maalintaa hanaqaadday waxay dhimatay maalintii Somailand lasoo ka baxday midawgii ay la yeelatay Xamar.

 

24kii sarkaal ee geesiyada ahaa, marnaba maynaan marin xaqoodii iyo waajibkii ay inagu lahaayeen.

Maynaan siinin mudnaantii ay inoo horseedeen.

Manta waxaynu xaqiiqsanay inaan midawga Xamar lala galay soomaalino soo kordhin, ase uu burbur iyo dhibaato u horseeday jamhuuriyaddii Somaliland.

Mar haddii aynu garwaaqsanay inaynu ku qaldanayn midawgii aynu la galnay Muqdisho, miyaanay ahayn Saraakiishii ku dhimatay, iyo intii sharaftii iyo xaqii ay qaranka ku lahaayeen la duudsiyay, ee lagu cambaareeyay qaran dumis iyo rag dalkoodii khiyaameeyay, inaynu wax kaga celino abaalkii ay shacbigooda u galeen.

Hadday darajo doonayaan dadkii ugu darajada badnaa ayay ahaayeen, waxaase u cuntami wayday sida loo dhayal saday shacbigii Somaliland ee si kastaba ugu dadaalka badnaa sidii soomaali loo ururin lahaa sharafna loogu samayn lahaa.

24kii sarkaal ee geesiyada ahaa waxay mudan yihiin in taariikhda Somaliland BAALDAHAB ah lagaga qoro. Waxay mudan yihiin in taallo lagu magacaabo loo sameeyo, maadaama ay taariikhdoodii u hureen inay ku waayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen Jamhuuriyaddii Somaliland ee Baandadii Xamar qaydhinka ku liqday.

Shacbiga Somaliland waa inuu dib isugu noqdo, oo arrinkooda dood ka yeesho. Waxay ku waayeen xuquuqdii ay mutaysteen inay dawladdooda madaxdeedii noqdaan. Oo loogu beddelay jeel iyo cambaarayn.

Dood ballaadhan in laga yeesho, iyo wacyi gelin ayaynu u baahanay.

Darajada Rabbi ayaa bixiya.

Eng. Yousuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London  U. K.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker