Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Muqdisho Ka furay Shir caalami Ah Oo Looga Hadlayo Ganacsiga.
Muqdisho-(OWN)-Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya iyo Horumarada dhaqaale ee dalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay shirka Ganacsiga looga hadlaayo ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay dowladda Turkiga iyo sidoo kale wadamada reer galbeedka ee Soomaaliya ka taageera dhanka dhaqaalaha.
Waxaa uu bilaawga shirka ka sheegay Wasiir Maareeye in la joogo xiligii Soomaaliya la maalgashan lahaa isagoo shirkadaha caalamiga ah ugu baaqay in ay kusoo dhiiradaan maalgashiga Soomaaliya.