Gadabuursi iyo Ciise 7 Sooyaal oo Saban hore ahaa iyo jaangooyntii ingiriiska ayaan Xukun uga dhigayaa !! Dawladana mid baan ku dhiirinayaa!! Dr.Khadar-Libaaxley
**** tani waa sababta iyo Sirta Map ka Gobolka Awdal xilligii Xuduudaha Somaliland la sameynaayey 1935 uu ingiriisku isaga oo taariikhdan haya , gartay oo garwaaqsaday in la illaaliyo , xafido, xuquuqdaasi darteed ku dul qaabeeyey dhulka Awdal ( muunada taalada taariikhiga ah ee sawirka kurkii Muj. Siciid Daauud Cali ama tafiirtiisa uu ka mid ahaa Muj. Axmed Gurey) Arintan tilmaan teedu waxa ay tahay in Gobolka Awdal ( Mulkiyadiisa iyo Maamulkiisa Gadabuursi Leeyahay dhanka kalena Manfaciisa Darajada koowaadna Beelaha kale ee ladaga Gobolka ay leeyihiin, waayo waxa jira 3 xuquuqood oo kala ah: xuquuq daris-wadaag, xuquuq daaqsin-wadaag iyo xuquuq dhaleeyo.
******************************************************************************
Mudane akhriste u fiirso oo hel Sirta maabka Gobolka Awdal ku duugan !! maxaad aragtaa oo uu kuula muuqdaa ? Mapka G/Awdal waxa uu ka mid yahay 3 hal-xidhaale oo Boqortooyadii ingiriisku Reer Awdal iyo Somaliland ba Sir ahaan uga tagtay; aan kuu soo qadimo , maabka G/Awdal waxa uu u taaganyahay ( Taalo Sawir kur ah !! Taalada sawirkaa kurka ah ; waxa uu u macno taaganyahay 3 arimood oo isku dhafan , tilmaamayaa taariikhda gobolkaasi iyo cidii gardaadinaysay , waayo taalooyinka dunida sidoodaba waxa ay muujiyaan sooyaalka taariikh dunida iyo mandaqadaaba ka hirgashay; cid kale maaha taasi 1) ( taalada sawirka kurkaasi mar Waa kii Mujaahid Saciid Daauud Cali – waa odeyga Qoomiyada Gadabuursi ka soo tafiirmay !! 2) waa taalada sawirka kurkii Mujaahid Axmed Ibraahim Geesaale oo isna ku tafiir tirsanaya Mujaahid Siciid Daauud Cali !! 3) waa taalada sawir kur ah oo u macno taagan ( Boqortooyadii Adal ee jirtay in ka badan 600 Sano ).
Si kooban waa kuma Muj.Siciid Daauud Cali ?