Toogasho ka dhacday New Zealand oo ay ka furmayaan ciyaaraha koobka adduunka haweenka

Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand ayaa sheegay in furitaanka ciyaaraha kubadda cagta ee haweenka ay sidi qorshuhu ahaa uga furmi doonaan magaalada Auckland saacadaha soo socda, inkastoo toogasho ay dad ku dhinteen ay ka dhacday magaalada.

Chris Hipkins ayaa sheegay inaysan jirin khatar amni oo sidaa u sii weyn. Dabley hubeysan ayaa labo qof ku toogtay goob dhismo ah oo ku dhow halka ay degan yihiin kooxaha qaar.

Ninka weerarka geystay oo la rumeysan yahay inuu ahaa nin afar iyo labaatan jir ah oo ka shaqeynayay goobta dhismaha ayaa isna dhintay.

Ilaa afartan kun oo taageerayaal ah ayaa la filayaa inay u daawasho tagaan garoonka Eden Park, halkaasoo New Zealand ay wajihi doonto Norway.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker