Saraakiil Uu Hogaaminayo GENERAL MORGAN Oo Ku Waajahan Deegaanka TUKARAQ
Tukaraq(OWN)- Deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa kusii qul qulaya saraakiil ciidan oo ka socda puntland halkaas oo mudo laba maalmood ah ay ku wada dagaalamayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa halkaasi gaadhay saraakiil ciidan oo ka kala yimi magaalooyinka Garoowe, Nairobi iyo muqdisho,iyaga oo la kulmay saraakiisha dagaalka hoggaamineysa.
Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka tukaraq uu gaadhi doonaan saraakiil uu ka mid yahay Janeral Maxamed Siciid (Morgan) oo ah musharax madaxweynaha Puntland kaas oo dalka dibadiisa ku maqan.
Janeraal Morgan ayaa waxaa markii uu tago tukaraq uu lakulmi doonaa taliyaha Ciidamada puntland janeraal Siciid dheere oo ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay isku-hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.
Oodweynenews Newsroom