Galbeedka Dalka Ethiopia oo Laga soo sheegayo Internet La,aan

Khadrka Internet-ka  ayaan  ka jirta dhawr magaalo oo ku yaala Galbeedka Ethiopia ilaa isniintii, waxana jirta in meelaha qaar ay moobiladu hawada ka maqan yihiin sida ay dadka deegaanku sheegayaan.

Ethiotelecom oo ah Shirkada kaliya ee ay Dawladu maamusho ee gacanta ku haysa adeegyada Taleefanada iyo Internetka ayaa ka gaabsatay inay ka warbixiso waxa sababay internet la’aanta, waxana uu afhayeen u hadlay shirkadan sheegay in warmurtiyeed rasmi ah la soo saari doono.

 

Ma cada in internet la’aantan ay xidhiidh la leedahay qulqulado sanadahii la soo dhaafay deegaanadaas ka jiray oo sababay in masuuliyiin lagu dilo iyo in kale. Waxana ay ahayd sanadkii 2019kii markii ay dadka reer Ethiopia dareemeen internet la’aan waqti la galayay imtixaanada dugsiyada sare iyo waqti ay degaanada qaar ka dhaceen qulqulado jinsi ku salaysan kuwaas oo ahaa sababta loo jaray internetka.

Netblocks, oo ah hayad indahaha ku haysa xoriyada internet helida iyo xuquuqda aadamaha ayaa sheegtay in internet la’aanta jirta ay maalintiiba dhaqaalaha Ethiopia dhaawac dhan  $4.5m oo doolar oo hoos u dhac ah soo gaarsiiso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker