Musharax Cirro oo xisbiga Waddani ku soo dhaweeyaay badhasab ku xigeenkii hore ee sanaag

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa si kal furran u qaabilay oo ugu soo dhaweeyey Xisbiga Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Sanaag Siyaasi Maxamed Khaliif Nuur,kaas oo ku biiray xisbiga rejada shacabka Somaliland ee WADDANI.

Kullanka lagu soo dhaweynayey siyaasi Maxamed khaliif Nuur ayaa ka qabsoomay hoyga Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxaana ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI, siyaasiyiin iyo wax-garad

Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Xaaji Calli Xasan ayaa uga mahadceliyey Siyaasi Maxamed Khaliif Nuur ku biiritaankiisa uu ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker