GABAY FARIIN TUKE YURUB ISMAACIIL FAALIYE
————————————————————————-
nin haduu gaboobo wax badan dunida guud joogo
gadaalbuu ka haasawin jiray geeduu maraye
gab-gab faranji gaadh iyo dadaall gaalo camallkeede
caalamka badaha buura iyo daruurahabana isaga gudba
hadaba aniga laftaytu kuwaas mid ka mida ayuunbaan
tixdan gabayga ah farayaa cidii aan taa rumaysayna
waxa jira dhawr sano ka hor in barnaamij ku saabsan
shinbiraha caalamka isaga gudba laga soo duubay sland
gaar ahaan gobalka sanaagg meesha la yidhaahdo
rabshiga iyo tabca ninka soo duubay magaciisa waxa
la yidhaahdaa terri qofkii u baahan inuu daawadana
yuotubaka ayuu ka heli karaa isagoo ku qoraaya buurta
rabshiga hal qabsiga gabaygana ninkaa barnaamijka soo
eegoo taniyo waagii turaab aadan laga uumay
farxad laga dhex toosiyo aduun waa naxdini tiilye
tiifiiyadan akhbaaraha intaa faalo tabinaaya
websityadan ah talan-taaligiyo taxane facbookan
warka taarka laga sheego iyo moobil telifoonka
qaarbaad tiflaysaa ilmada talalaxlaysaaye
anba dhawaaqu u tumaati iyo dhiiladaa timiye
adaa kayse midhahaa turjumi tafatirkoodaase
dayartaadd yar taabsiin macnaha tiimamkaa kacaye
ana tutucyo miisaamo culus waan tayayn jiraye
tixdaan xalayna gamiwaayay,ee turuqday maankayga
bal aan tiriyo waataadd murtida igu tuhmayseene
——————————————————————–
dhalintii wax tarilayd dhamaan tarantii soomaali
tarabtarabka waakuwaa go.ee tiray cadaawuuye
tacab ubadka waalidkii wax badan kula tacaalaayay
tacsi waxaan u dirayaa ehelo taabtay geeriduye
intii dhimatay hadii ay tagtooy aakhiro u talowday
rabi tayasir taa ay mareen hawga tudho naare
uurku taaladoodaa gocasho murugadoodd tiilye
takfiirkooda qoysaskii ahaa taah ka hadhi waaye
eeboow samirrka taam uga yeel fahanka tawxiidka
————————————————————–
darbaa gabayga marka ay tirshaan dheeligii tirine
waa tis qaadse kii aan idhaa aan turxaan wadane
afartaasi tiiraanyo culus waa tacsida guude
afar kale waa iga tilmaan huga tus waayeell ah
————————————————————-
waa tiro sagaaloo aduun abid tobnoobayne
waxa talaba goblan looga dhigay teedan aakhiro.e
wax tollmooni loo qabo marbuu toobad seeg yahaye
waxaad tabayso adigoon helaynn tamarna aad u wayday
tashuushbuu ku galiyaa adoon taag u haynn badane
inaad toyato qaarbaa qalbiga laga tir yeelaaye
hashii laanka sii tiigsatee gabi ka tuuryowday
waxa hoday tigaadii markay laac is tidhi geede
isaguna tabteed noqoy caqliga hilin ku toosnayne
taraagg aan jihaysnaynn ayaa lay is tilmaamaaye
ruux ka tagay dhulkiisana hubaal laga tun roonaaye
jeel iyo taxaab iyo tagxiil waa tu, uu sugiye
markii tacabir loo jeedsadee loo talamay dhoofka
tafo xaydna loo wada ordee laysba tabi waayay
qofba tamanigiisana is yidhi taajirr noqon maanta
habqan socodka tafaraaruqaad tacajabaysaaye
weerarrkiyo taraysada waxaa lays tumaatiyayo
tafantoof colaadeed tanaa tahano sii dheere
tusbax go,ay sidiisana tahriib tolmahaa u baxaye
xeryihii tikraygiyo maqale taandho lagu meershayay
masar iyo tuniis iyo turkiga jiida taban yaaca
toroboliyo liibaya xumay tacadi gaysteene
tuunbo ubaddka nimankaa ku jaqa tawsa bahaloobay
ruux hadiisi tii ay gashaan looga taag heline
badahaa talyaaniga wax badan waa la tiinbadaye
inta mawjad ay soo tuftaan tiro la koobayne
qorshe li.idu taariikh madow waa tasoow dhala.e
madaxdoodaa talisaa dadkana laga tix raacaaye
teedhiin sano wax sii dheer intaa uu tubkeen lumaye
sidii xayn habaas tuman cirkoo roob tif laga waayay
inba taashka waakaa u xidhan tariigg kaatibiye
isku tookha nimankaa ka adagg hadalka tiifiiga
ee tunkooda intooy daawadaan hamashle toodheeya
tahliwaaye tawfiiq, qudhooy tamarr ku yeeshaane
midi-midiyo lagu taagayaa teena dhaawacaye
tiir is haystay umadaa ahee laysku tirinaayo
xuduud laga talaabayn ragbaa ood tiskood- dhigaye
intay qoloba calan ay tosheen tuute ay marisay
tuulahooddna ay moodayaan dowladnimo taag leh
tafantoofna waaxyaha hashii tuludii loo qaybshay
tusmadeeda soomali waa tacab khasaaraade
alahayoow na takeer aday taada noqotaaye
——————————————————————
darbaa gabayga marka ay tirshaan dheeligii tirine
waa tis qaadse kii aan idhaa aan turxaan wadane
tadan kalena haadoow faariin toosabaan ku fariye
——————————————————————
dalsan udubku waa teedsan yahay tog iyo buuraaya
taariikh iyo wax sheeg togan ayaan ku dul marayaaye
shinbiryahoow tan aan imi tusmadan kaa aqoonsadaye
taleex iyo dhulkeediyo halkay taxantay soomaali
Daaqsin iyo tigaad nool gayigay lagu tanaad yeelyeh
bankii tuuyo baalalay ku sugan waad la qaab tahaye
adigaa taraaggyada u baxa meel kastooy tahaye
adaan taayir shaagoo banjaray taradh kharaabane
talowgaagu afirikuu yahoon lagu tilmaamayne
tabahaaga badahaad dul mari room talyaaniga,e
geestay taalo soomaalibaad qun u taqaanaaye
akhbaar terri soo duubi jiray waa tibaax mudane
tartarkaad rabshiga dhigan tabcana waad ku daal bixiye
tin cadlihiyo geedkii ku mudi tiinka mooyaane
isku taag dhirtaado adoo kor u tiraabaaya
darka tuman magaaliyo miyiga toonka iyo tuule
dagta iyo tunkoodiyo garbaha tuurahaa, u, rarane
wiilba kaartu tii, uu yiqiin dhabar tukaalaynta
dhumashaday tukubayaan baqaha toorahaad garane
soo tahriibka kuwoodaa rabee soo tigtigan haatan
heedhe waxaad tidhaahdaa adoo taxaya gabaygaykan
———————————————————————-
toobad seegtay soomaliyeey tororoggtiinii dheh
tadarr qaadi maalkay lahaydd taah mirqaan madhi dheh
tiiraanyo geestiin qabiil tacadi naafee dheh
waxaad taxadka hoos ugu xigtaan waa ab tiris qoys dheh
intaad adigu isku tookhayseed tookasho is dilaysay
tisciin saniyo totobaatanaa loo tartamay dheef dheh
isku tiirsanaanbaa ilayn lagu tanaadaaye
tafaraaruq soomaaliyeey waa tunkaa sudhan dheh
cimilada dalkiiniyo tayadu caalam, maba tiil dheh
badu waa tamuux qani dhulkana xoolahaa tuman dheh
tikaar qodasho waa dharagg talaall beero loo kaco dheh
tuskii roobi kayntuu ku da,o way tuftaa midho dheh
soomaalina tahriibaa ayay lee,taa tarab dheh
dawarsiyo taraaraha qurbaha tuugsibaa u qoran dheh
xoogiin turuq laxaadkiin sidii toojo yuu gudhin dheh
iyaguba tabaaliyo kol mare shay tacluus adagge
yurub tacabku hawll yari ma iman toodho iyo faan dheh
hayeeshee tartiiba dadaal loo tiriig shiday dheh
taygan luqunta cunahaa la sudho teetalbuu yahay dheh
markii diinta tawxiid xaqii taarigg laga raacay
taqwadii islaamkuna baryahan waa tashuush badan dheh
soomlidan tasowdaay mudaa turun turowdeene
idina waydun toosnaan hadii,aad isu tudhaysaan dheh
teel iyo banaan iyo arrlada tiiro iyo buuro
qoomba meel- la teedshaa ilaah dhigay turaabtoode
waxay tahayba ciidiyo dhulkiin tiina aamina dheh
iska dhuranka towtawda madhan haw dhag taagina dheh
ma tigaantigg yeeshaan bar-baar tuuray waanada dheh
talo waalid kuwa diidayoo tadhadhaqlaynaayay
tarbiic liica gaajada wax badan tiice oo lume dheh
dhunyaall iyo tahriibaa hadii laga tacliin eegto
qaar horaan tin laga hayn intooy teri gareeyeen dheh
wax ku taamill qaataay jabkiyo shalay tusaalaa dheh
haan gunbay ka tolantaa salkaa laga tis raacaaye
dhul ma mare indhaha tiran iyaba waa tiraab hore,e
taftii hooyadaa iyo halkay gogoshu kuu taalay
adoon dhaafin tiirkiina iyo baro ka tooskiina
oo aan dunida waayaha tunaba saban ku taabsiinin
iska tooci toorahaadd aqoon taar gal waa qalad dheh
col taraaray isagoon war qabin mooyi tuu mudan dheh?
wax soo taransigiinuna fartii yuu tog dheer noqon dheh
taajir iyo fiqiirkuna nolosha way tartamayaane
mag tub iyo arsaaqdiin hubaall ku tawaad qoran dheh
tusmaa samirrna lagu hiigsadaa tiigso leedahaye
ninba tacabna tii, uu dhigtuu toga ka malaa dheh
ruuxa tiinka beertana timiri may u soo bixin dheh
xansharaad tabtoodiyo takfida hays tir goynina dheh
cadaab laguma tuuroo naftuna qaalibay tahay dheh
taban iyo aduunkaa dhib iyo tabasho taalaa dheh
tabaabushiyo tuu magaana tiro xisaabtiiya
ruuxba tiigso hadafku lahaa iil yarbuu tagi dheh
ma gafuu tab kaartiyo shax iyo taatikuu dagaye
hadhaagoow tunkiiniyo kalyaha toorayda ka jira dheh
waa tafaafil sidan, aad wadaan siidh go, tarameed- dheh
tawraadd iyo ijiin iyo furqaan taxane diinteena
taariikhda may dhicin malaha waar tan oo kale dheh
waa akhiru sabaankii tirsigu uu tilmaan qoraye
galbeedd toyatay soomaali, iyo geedi tahan dheere
tubtoodii xadiisyada wakhtigan toobada ku dhaga dheh
tawxiidkiyo quraankiyo casharo laga tuf qaadaayo
tafaasiisha culimooy xagiin badi taxliilaa dheh
taban-taabsho inkastooy ku siin taakulayn lacagg ah
waa wax taarigg ka soo galoon aan wax tarahayne
yurub tacabka yaaliyo shaqadu taabud noqon waa dheh
xaraan tuludi niriggtay dhashaa waa tabteed u dhigan dheh
taran ma laha maal deeqsigood gaalo tumataa dheh
tin cadlay ujeed li,i santina taano bixin waaye
intooy noo tawaabaan dib kharash u tabaan dheh
waa dhaqaale taagaysanoo dheeli loo tiray dheh
waa tareenka ku adeeg tak iyo toonka suuqyada dheh
ama tuhuna aan qabay baryana tikidh u soo goostay
oon tigaada yurub gaadh lahaa doolarada tuulan
hamo tamani taan maaganaa taab kumaan dhigin dheh
shay la taabto sharcibuu i taray toogo reer yurub dheh
warwarbaase taa dheerr hadii taajirr lay qabo dheh
maantana toloow iyo tafikirr taaganbaa jira dheh
anigoon tawaawicin waxan helana tuuryeeya
gunta hadalku halka ay tahaan idin yar taabsiine
afrikaayna tuhunkaagu badan dhawda tilifoon dheh
yurub dhaqana waa uu tirmaa diina maba taal dheh
caruurrtana tartiibaa intaa loo tashanayaa dheh
hayeeshee tabtaasaan hadana kula tacaalaa dheh
intaan karayo waan tiiriyaa taag xilkay yahay dheh
taclintooda ku dadaal iyo hooy tarbiyadood-dheh
rabaan ducuda uga tuugayaa tukasho layllki dheh
tisqaadkooda waan jeclahay taabo galistoode
haduu ubadku ii tooso,ooy kala tasaw yeelan
ama waa u tukubayaa inaan tawakall siibtaa dheh
haday tacabir dhoofaan dadkuna tooda huri waaye
wax noo dhaama maan aragg tukokoow taynu leenahay dheh
calafkaana meeshaad tagtaba kula talaabeeye
markaan labada tootaliyo, een eebo talo saarto
yurub joogis teer halkeen teene door biday dheh
ale u siman tuule aamin iyo toranto u tahriib dheh
qofkii maalka intoo loo tamilay lacagta loo toomshay
iyo tarayga shaahaba mid gada timirta kaa miisa
ruuxba taano irsiqq loo qoraan tahari dhaafayn dheh
balse ninba turaabtii libaax taykarr noqoy aarr dheh
toonkii suuqa waheen ayaa lay tix galin laaye
halkii xeradii taar dheer ku tiil toobiyii shacabka
ana waxaan ku taamaa dunbuluq tootashaan garan dheh
kolay taqadku wuu saaran yahay ruux qurbaa tagaye
tana naygarr madowbaan ka ahay toyasho haybteed- dheh
hadaan mawdku i tudhsiininoon teerida i marinin
tagoogaa togii herar fadhiga tusbaaxaan ku rogi dheh
dhulkeenay dhex taalaa nimcee loo tub sixi waaye
tigaad maalka daaqaa xageen tayo lahaa noole
dal tabyada i haysiyo waxaan tabaya waa muush dheh
ilaa toban diraacood ma aragg meel tolkay dago dheh
totobaadyo bilo kaamilaa loo kal tiriyaaye
tawxiid ku qoran waa, aan arrkaa neefaf tuludoode
xalaashoodse meeshay ka timi taa ma sii hubo,e
quud- dalaagad taxadkeed ku jira loo turqiyay aaddna
danbaa tidhiye waxaan cunaa ceesh talaal badan dheh
waxaan diiday timahaa ka badan ee turxaan lihi dheh
tafaasiil ma koobtiyo xog aan gabay tiraabaa dheh
ragg tabaaladii sheeg dumarna taash barwaaqo ahe
sida roobka baraf tiixayaa soo tif qabow daac dheh
tabtii awrrta heeryo loo tolltolay duuddka lagu tuulay
is tiggtigay dharaarr duhur maryaha aan tigraarr xidhan dheh
tafo cumar taabeeliyo tinikhba ii markhaatiyahe
waagan tiimka u ciyaari jiray bari tilmaanaaye
waxaan orodka tawlaynn jiriyo tababarkii waayo
kabo adagg talaabada qadhbaan tukube luudaa dheh
ku tiriyo ku teentaa markaba lala dhag taagaayo
warka tibixdu kala haab ahiyo toodan waaqu,dheh
dadkii tacabirr soo dhoofayee yurubna soo taabtay
tolaahaan ku dhaartaye qof yimi hoga tus faaloo dheh
haday iyagu isku tiirsadaan looma taliyeene
tafaraaruq goortay noqdeen toorin lagu maallye
caradooda muslinkii tagaa lagu tikooraaye
haka sugin tudhaalana kufriga teelo kuu dhigane
cunsuriyadu way soo tartaa yurub dhex taalaa dheh
tii ay gaalo na doonaysaan nahay tabdeedii dheh
ana gabay wuu ila tarmoo waan taraaraxaye
waxba yaanan sii tixin araarr talax tageedaase
murti tarabalkeeduba macnaha wuu tir-tirayaaye
adna yaanan waaryaa tukoow ku tan dhaaf rarine
maanso togan wax sheeg mudan midh aan tuduc la tuuraynin
taariikhda maantana ku qora adayga tiisaa dheh
——————————————————————–
waxaan hoga tusaaliyo naxwaha taxayo weedhoodna
aftall ducadu waa ay u tahay toogo qumayaaye
dhulkeeniyo turaabkiyo badaha turufo loo qaatay
tafaariiqna loo gaday sidii xoolo tuman sayladd
tiiraanyadoodaa qalbigu taam i noqon waaye
tolaayeey hal door iyo ragii talo san goynaayay
wax maankaygu tabayaa midnimo lagu tanaadaaye
tiriigg lagu shidaabaa mugtiga toosh cadaynn jiraye
tir-tirsiga dadkaaga iyana lala tacaalaaye
uunkoo taaha khuurada bogtoo lugaha taagaaya
maanso tafatirkeedaan saq dhex teeb ku qorayaaye
ana waxaan u tuuraa hurtada shacab tilmaantiiye
halkay taalo soomaalibaan toosa lee yahaye
alahayoow na takeerr aday taada noqotaaye
——————————————————————
curiye ismaaciil ibraahin xasan
——————————————————————–
facbook ismaaciil faaliye
——————————–