Dawlada Maraykanka oo ku Fashilantay Cunaqabatay ay Saari lahayd Iiraan

New York (OWN) – Dowladda Maraykanka ayaa ku hor Ceebowday Golaha Ammaanka QM kadib markii dhammaan xubnaha golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay marka laga reebo hal dal mooyee ay dhamaantood iska   diideen isku day ay cunaqabteyn dhaqaale oo cusub ay ku saari lahayd Iran.

 

13 ka mid ah 15-ka ee Golaha Ammaanka ayaa soo saaray warqado ay uga soo horjeedaan isku day uu maamulka Trump kusii dheereynayo cunaqabetynta dhaqaale ee Iran.

Warqadahan ayaa lasoo saaray 24 saac gudahood markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu yimid New York, isaga oo Iran ku eedeynaya inay ka baxday heshiiska Nukliyeerka ee loo yaqaan JCPOA, sidaas darteedna ay tahay in la dheereeyo cunaqabateynta saaran, oo waqtigeedu uu dhacay.

 

 

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa qodob dhigaya in haddii Iran ay ka baxdo heshiiska dib loo saari karo cunaqabteynta muddo 30 maalmood gudahood ah. Hase yeeshee, dhammaan dalalka xubnaha ka ah golaha ayaa ku dooday in Mareykanka uusan lahayn sharicyad uu qodobkaas ku adeegsado maadaama uu heshiiska ka baxay bishii May 2018.

Dowladda Mareykanka ayaa ku doodeysay in farsamo ahaan ay weli qeyb ka tahay heshiiska oo la saxiixay 2015. Si kastaba dooddan ayaa waxaa diiday dalalka Faransiiska, UK iyo Germany xitaa kahor inta uusan Pompeo ku dhowaaqin.

Guul-darrada Mareykanka iyo qaraarka uu wado ayaa waxaa loo sababeeyey awood sheegadka iyo handadaadda uu la yimid Pompeo, oo dalalka Yurub ku eedeeyey “inay la jirsadeen Ayatollahi-yada.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker