Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Guulaha Mashruuca Kobcinta Danyarta Ee DAN-WADAAG

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay munaasibad lagu soo bandhigayey guulaha ganacsi ee uu gaadhay mashruuca DAN-WADAAG oo ay ku bahoobeen  ururro maxalli ah oo u tafo-xaytay sidii ay isku filaansho u gaadhi lahaayeen bahweynta danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland, iyada oo aanay cid kale caawinaynin.

Munaasibaddan oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey tiro kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, hormoodka ururrada maxalliga ah ee dallada DAN-WADAAG hoos yimaadda iyo kumannaan kamid ah hooyooyinka danyarta ah ee ku lugta leh mashruucan afkaarta ganacsi loogu abuurayo guud ahaanba bulshada danyarta ah ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka  Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuuliyiin ka socota ururrada bulshada rayidka ah ee mashruucan maamula, wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo xubno kamid ah haweenka danyarta ah ee mashruucan ka faa’iiday oo halkaas ka hadlay, ayaa si faah-faahsan u sharraxay faa’iidada nololeed ee uu leeyahay iyo sida marwalba ay muhiim u tahay in isku-tashigu mudnaan gaar ah leeyahay, waxaana ay dhammaantood si isku mid ah bulshada qaybaheeda kala duwan ugu dardaarmeen inay isku tashadaan, isla markaana ay maankooda ka saaraan inay gacan shisheeye wax ka sugaan.

Ugu dambayntii madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa bogaadiyey cidkasta oo ficil iyo fikirba ku darsatay mashruuca DAN-WADAAG ee loogu danaynayo dadka hayntoodu hoosayso, waxaana uu ballan qaaday inay xukuumad ahaan qorshahooda ku darsan doonaan mashruuca midho-dhalka ah ee lagu kobcinayo danyarta reer Somaliland,  waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Cid kasta oo wax qabsataa waxa ay mudan yihiin in la bogaadiyo oo la garab istaago oo wax la taro, hortiinana waxaan ka ballan-qaadayaa in aanu sanadka soo socda ka shaqayn doonno qaabkii wax la idinku tari lahaa ee qorsheyaasha qaranka meel la idiinkaga soo gelin lahaa, waxaana aanu ku dedaali doonnaa ka madaxweyne ahaan ilaa golaha wasiirrada in aanu hawshiinnaas geynno oo laga doodo qaabkii wax la idiin tari lahaa ama wax la idiin kugu biirin lahaa, maadaama oo aad meel isa soo taagteen.”

Madaxweyne-ku-xigeenku, waxa uu intaas ku daray inay xukuumad ahaan daraasadaynayaan sidii mashruuca DAN-WADAAG looga dhigi lahaa mid heer qaran ah, maadaama oo faa’iidooyin badan oo bulshada u dan ahi kasoo baxeen, “Mustaqbalka waxaanu daraasadaynaynaa mashruuc magaca DAN-WADAAG ku shaqeeya oo qaranka iyo iyagaba wax tara, maantana madaxweynaha iyo xukuumadda joogta waxaanu aaminsanahay in aan qarankan cid nooga lexejeclo badani in aanay jirin, mar walbana waxaanu jecellahay in meesha aynu joogno meel ka sarraysa aynu qaranka gaadhsiinno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

Mashruucan DAN-WADAAG, ayaa  ah, hannaan lagu mideeyo qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan guud ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo loo curiyo afkaar ganacsi oo ay noloshooda kor ugu qaadaan, waxaana haatan xubno ka ah ugu yaraan 18,900 oo qoys oo danyar ah, isaga oo abuuray lix iyo toban kun shan boqol iyo afartan (16,540) ganacsi oo ay dhammaantood gacanta ku hayaan dadka danyarta ahi si madax-bannaana u maamulaan.

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

           
 
 
 
                    Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker