Afhayeenka Ururka Al Shabaab Oo Ka Hadlay Weerarada Ay U Gaystaan Magaalada Muqdisho
Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa wuxuu ka hadlay weerarada Shabaab ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan weerarada Hotelada.
Cali Dheere wuxuu sheegay goobaha ay weeraraan inaysan aheyn Hotelo, balse la isaga magacaabay Hotelo, wuxuuna sheegay inay yihiin goobo laga soo abaabulo dagaalada ka dhanka ah Shabaab.
“Meelaha Hoteelada lagu magacaabo Hoteelo ma ahan, ee waa lagu magacaabay Hoteel kaliya, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo nimaankaan ay degen yihiin, waxaad ogaataan xamar Hoteelo waa ku yaalaan, Mujaahidiinta waxay weeraraan Hoteelo qaas ah”
“Hoteelada saxda ah ee shacabka ah degen yihiin Ciid kuma wareegsana, ciidan kuma wareegsana, oo Juhdi Badan laguma bixiyo, laakiin meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan caagagta Amisom ay adeegsadaan oo caro laga buuxiyay, haddii ay marka meesha Hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena.”ayuu yiri Cali Dheere.
“Nimankaan Masuuliyiinta u ah dowlada, dhamaantood waa dad dibadaha nooga yimid oo baasaboor ajaaniib ah wata, mid kastaa wuxuu og yahay in afarsano kadib uusan soo laabaneyn, marka wuxuu rabaa in mid kastaa uu laabto isagoo lacag ku shubtay Account, midkii ciidan loogu dhiibo wuxuu rabaa inuu cuno, midkii degmo loo dhiibo wuxuu rabaa inuu lacagta cuno”ayuu yiri Cali Dheere.
Hadalka Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo Khamiistii aan soo dhaafnay qarax gaari oo Shabaab ay ka fuliyeen Maqaayad ku taallo laamiga Maka Al Mukarama, halkaasina ay ku dileen dad shacab ah.
Afhayeenka Shabaab Cali Dheere a