Sanduuqa Horumarku somaliland Ma sanduuq Horumar baa mise waa sanduuq musuqmaasuq(qaybt 2aad)
Sanduuqa horumarinta Somaliland Iyo dhibkii ay u gaysteen shaqaalaha waddanka
Ka hor intii aan la samayn sanduuqa horumarka Somaliland,waxaa dalka joogay ilaa 50 haayadood oo heer caalami ahaa, oo mashaariic kala duwan ka fulin jiray somalland iyo gobaladeeda, 50 kaa haayadood waxay qaadan jireen shaqaaale badan oo reer Somaliland oo xirfad lay ah,waxaa u shaqayn jiray dad leh mihnada caafimadka sida doctor,engineer,nurses ama kaaliyayaal,maamulayaal ama managers,dad ku takhasusay dhanka waxbarasha ama (education field)kuwa xagga security ama ammaanka kala shaqayn jiray,iyo shaqaale kale oo xirfad lay ah oon lagu soo koobi Karin hal maqaal,waxaana lagu qiyaasaa ilaa iyo 9500 oo qof oo reer Somaliland ahi inay u shaqayn jireen, kuwaasi oo lacag adag dalka iyo dadkaba soo galin jiray, haddaba markii la sameeyey sanduuqan waxaa meesha ka baxay haayadihii dhalinyarta iyo aqqoonyahanka reer Somaliland u shaqayn jireen, sababtoo deeqahii iyo lacagihii oo dhan waxa lagu shubtay sanduuqan, sanduuqanina wax shaqaale ah muu qaadin oo badan oo waddanka u dhashay intii ay qaateen na si khaldan bay ku qaateen, haayadihiina waxa u yaaceen xaggaa iyo koonfurta Somalia.
Waxaa la yaab leh haddaba hadii sanduuqani qabanayo mashaariic horumarineed waxbay ahaan lahayd oo waaa la iska ilaabi lahaa shaqaalihii haayadaha u shaqayn jiray, laakiin wax allaale waxay qabtaan ma jirto waana fadhiid, deeqahii caalimiga ahaa oo dhan waa lagu shubtay dad danno gaar ah leh baa ku shaqaysta waana shirkad loo furtay in lagu leexsado(international donation) ama deeqahii caalamku Somaliland siinayey.
Sanduuqa horumarinta(SDF) iyo dhibtii ay u gaysteen shaqaalaha dowladda.
Mid ka mida ujjeedooyinka loo abbuuray sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa waxay tahay in ay kor u qaadaan xirfadda shaqaalaha qaranka ama dowladda, ayna shaqaalaysiyaan shaqalaha dowliga ah,bal se sanduuqa horumarintu wauxuu sameeyey taas ta ka soo hor jeedda,waxay qaateen shaqaale tiro yar oo ka mida shaqaalaha dowladda Somaliland, wax kobcin xirfadeed oo ay u sameeyeen na ma jirto(capacity building), marka laga eego xagga mushaharkana aad bay u baqseen ama u yaraysteen,oo ay aad u bahdileen shaqaalihii qaranka, waayo waxa jira shaqaale badan oo ka mida shaqaalaha dowladda oo leh waayo-aragnimo badan, iyo cilmi badan, qofka ugu sareeya eek a mid ah shaqaalaha dowladda ee la shaqeeya SDF,waxay siiyaan bishii $900 dollar,waxaa jira shaqaale kale oo Ajaanib ah oo ay SDF ama sanduuqa horumarintu waddanka keenay, ay ku sheegeen shaqaale khubaro ah ama lataliyayaal la talinaya wasaaradaha dowladda(Technical Advisers) oo wasaarad kasta jooga,shaqaalahaa ajaanibka ah waxay maalintii qaataan$500 dollars marka bil ahaan loo xisaabiyona waxay Noqonaysaa $15000 ama shan iyo toban kun oo dollar bishii, waxaa intaa u sii dheer oo shaqaalaha ajaanibka ah la siiyaan kharashka jiifka(accommodation expanses) maadaama ay hargeisa ka degan yihiin huteelka ambassador, waxaa intaa u sii dheer oo ay shaqaalaha ajaanibka ahi qaataan kharashka socdaalkooda(travelling expanses) iyo diyaaradaha oo laga bixiyo, waxaa kale oo u sii dheer kharashka habeen dhaxa markay socdaalaan waddanka dhexdiisa,(DSA allowances)halkaa waxaad ka dareemaysaa siday u bahdileen shaqaalihii dowladda xaqoodiina ay u siiyeen shaqaale ajaanib ah, oo lacagtii waddanka Somaliland ay ku dhacayso Bangiyo shisheeyo, sida Kenya,tansania, Uganda.
Arrinta aad u xiisaha badani waxa weeye shaqaalahan ajaanibka ahi malaha xirfadahii lagu sheegay inay yihiin,oo lagu soo shaqo galiyey oo markii hore laynoogu sheegay khubaro caalami ah, sida engineer ama dhakhaatiir ama maamulayaal, ama dad xagga degaanka ku takhasusay, haddaba waxa si cad u beenowday xirfadihii ay sheeganayeen shaqaalahan ajaanibka ahi, xirfadda kaliya ee ay la yimaadeena waxa weeye luuqada af-ingiriisida, wnaana la hubaa arrinka marka laga shaqaynayo shaqada wasaaradahana waxa qabta shaqaalihii dowladda ee awalba hour u joogay, halkaa qoladan SDF ay soo shaqaalaysiisay ay daawadayaal ka yihiin,mudnaanta iyo lacagta intaasi leegna waxay ahayd in shaqaalaha dowladda siiyaan maadama ay shaqaalaha dowladda Somaliland ku jiraan dad aad khubaro u ah,haddaba marka nin ajaanib ah oo aan lahayn xirfadii Somaliland u baahnayd la siiyo bishii $15000 oo dollars iyo weliba kharashkiisa kale oo gaadhaya $20000 oo dollar, miyaynu odhan karnaa waxaa Somaliland ka jirto shaqo la,aan mise waxaa jirta maamul xumo, lacagtaasi 20000 dollar ah ee qof ajaanib ahi kaligii qaadanayo waxaa si fiican ugu shaqayn lahaa 10 qof oo reer Somaliland ah, oo ka xirfad iyo aqqoon badan kuwa ajaanibka ah ee la soo shaqo tagay afka ingiriisiga, wax dhaafsiisan na aan hayn.
Waxaa kaloo xusid mudan in madaxda wasaaradaha qaranku ay og yihiin shaqaalaha ajaanibka ah ee wasaarad kasta jooga ee lacagta culus waddanka ka qaata, ee sanduuqa horumarintu (SDF)Waddanka keenay iyo sida aanay waxba u qaban,arrinta kale ee aan aad jecelahay in aan tilmaamo waxa weeye in shaqaalahan ajaanibka ahi ay caqabad joogto ah ku yihiin hab-sami u socodka iyo hirgalinta mashaariicda ay wasaaraduhu fulinayaan, Waayo nimankan ajaanibka ah ee wasaaradaha jooga waxa ay ka fikirayaan haddii mashruucu si fiican u socdo, in ay shaqadoodu so oaf-jarmayso sidaasi darted mar kasta waxa ay ku dedaalaan oo aan marag ka ahay sidii mashruucu dib- ugu dhaci lahaa, waxkasta oo la qabanayona waxay ka deyayaan cimri-dherersi.
Dhibaatooyinkii Sanduuqa Horumarinta(SDF) uu u gaystay saxaafada Dalka.
Ka hor intii aan la abuurin Sanduuqa horumarinta Somaliland sidii aan hore u soo sheegay, waxa dalka ka jiray haayado badan oo waddanka ka shaqayn jiray, haayadahaasi waxay fulin jireen mashaariicda badan oo dhinacyo badan leh, oo ay saxaafaduna ka mid ahayd,tusaale ahaan waxaa jiray barnaamijyo fara-badan oo idaacadaha ka bixi jiray oo ay haayaduhu fund garayn jireen ama kharashkoda bixin jireen, waxa kaloo jiray barnaamijyo wacyi-galin ahaa oo dad reer Somaliland ah oo saxaafiyiin ahi ka shaqayn jiren, oo haayaduhu kharshkooda bixin jireen, waxaa jiray tababaro loogu tala-galay xagga saxaafada oo ay hir-galin jireen haayaduhu, waxaa jiray waxyaalo kale oo dad waddaniyiin ah oo reer Somaliland ah oo saxafiyiin ahi ka shaqayn jireen, sida VIDEO ay samayn jireen,markii la sameeyey sanduuqan oo aan anigu ugu yeedho sanduuqa Dib-dhaca waxa meesha ka saareen barnaamijyadii xagga saxaafada loogu talo galay, markaliyana may qaban hal-tababar oo saxaafada dalka ugu talogaleen.
Xafiiska Guud ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland(SDF head-quarter office in Somaliland)
Xafiiska guud ee sanduuqa horumarinta Somaliland(SDF) Waa xarunta guud ee sanduuqa waana meesha lagu shubay dhamaan deeqihii Somaliland la siinayey, oo gaadhaysa ilaa 100 milyan oo dollar sannadkii, haddaba haddii aan yar dul istaago qaybtan, waxaa ka madax ah xafiiskan Nin dhashay waddanka Kenya oo lagu magacaabo (Anthony njue) oo ka ah maamulaha Guud(SDF fund manager and Team Leader)ninkan waxaa waddanka Keenay shirkad kale oo la dhaho Mottmac Donald, oo ah shirkad dilaaliin ah oo dilaasha deeqaha Somaliland la siiyo oo ku dhex jirta ama u dhaxaysa Somaliland iyo qolyaha qaadhaan bixiyayaasha(international Donors)sida DFID,DANIDA,US-AID,SIDA.
Ninkan Kenya u dhashay wuxuu mushahar ahaan u qaataa 25000 dollar iyo kharashka jiifka madaamu degan yahay Hutel ambassador ee hargeisa, iyo kharash yadiisa kale sida kharashka socdaalka markuu waddankiisa tagayo, ninkan Anthony wuxuu isku ururiyey dhamaan awwoodihii sanduuqa horumarinta Somaliland sida marka contract la galo,marka babur sanduuqa iibsanayo,marka lacag uu sanduuqa bixinayo dhaamaan awwooda ama waxa afka qalaad lagu idhaa(contractual capacity) wuxuu idhi aniga mooye cid kale ma smayn karto, wuxuu xeerka wax iibsiga ee SDF (PROCUREMENT MANUAL) Ku qortay cid kaliya ee awwood leh wax iibin karta, istcimaali karta lacagta sanduuqa,heshiis gali karta inay isaga tahay,ma garanayo sida ay ka noqotay wasiirkii qorshaynta ee xiligaa (dr sacad ali shire)miyuu la ogaa, ma aqoon daray ka ahayd, ninkan sawaaxiliga ah ee yidhi aniga awwooda ugu saraysa ee sanduuqa leh halka uu wasiirka qorshaynta ka yeelan lahaa awwooda u saraysa.
Ta kale ee mudan in la sheego waxa weeye mr Anthony wuxuu ku dedaalay inuu keeno shaqaale badan oo ajaanib ka oo aan kor ku soo xusnay, ninkan ayaa ah maskaxda ka danbaysa in waxaasii oo sawaaxili ah waddanka ka hawl galaan yadoo kuwii wadaniga ahaa camal laayahiin.
Mr Anthony ma laha xirfad iyo aqoon maamul(Managerial experience) wuxuuna u muuqdaa nin la dhacsan shaqada uu Somaliland ka helay, sidoo kale mr Anthony wuxuu kala mid yahay saaxiibadiisa wasaaradaha ka sheqeeya ee ajaaninbta ah in uu ku dedaalo in mashaariicda SDF Ayna socon si shaqadoodu uga dhamaan isaga iyo saaxiibadii.
Waxaa xusi mudan in la sheego in mwakhtigii dowladii ahmed siilanyo ay 8 agaasime oo dowladaasi ka mid ahaa ay u qoreen warqad dalka looga saarayo ama(personal Non grata) ka dib markay arkeen inuu curyaamiyey SDF ama sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo siduu caqabada ugu yahay sanduuqa ee uu wax walba cimri dherersi ka dayayo, ma garanayo cid ka badbaadisay warqada dal ka saarista ahayd lakin cid golahii wasiirada ka mid ahayd oo xidhiidh musuqmaasuq la lahayd nin ayaa is hortaag in dalka laga saaro.
Waxaa xaaaraan in nin aan u dhalan Somaliland uu maamulo sanduuqii horumarinta Somaliland oo lacagaahsi intaasi leeg lagu shubay, oo ka darana hadh iyo habeen musuq maasuq ka shagaynaya, ma garanayo si ay ka Noqotay wasiirkii qorshaynta ee waagaasi DR Sacad ali shire.
Nin odayga ah halkiisii ayuu hawsha ka wadaa oo uu wax walba yidhi aniga maamulaya oo la taxaluqa sanduuqa horumarinta Somaliland welina dalka ugu soo daabulayaa shaqaale ajaanib ah.
Mararka qaarna wuxuuba diidaa warqadaha ay u qoraan wasiirada Somaliland oo uu si toosa uga hor imaado, hadda garoo ninkan waa shaqaale, Somaliland u soo shaqo tagay, wuxuu maamulaya lacagtii Somaliland la siiyey, haddana marar badan ayuu ka hor imaadaa wasiirada dowlada Somaliland, ma garanayo liid nimada wasiiradeena waxaaban is idhi waxay u haystaan inuu Anthony bixiyey lacagta sanduuqa horumarinta Somaliland ee uma haytaan shaqaale soo shaqo tagay.
Wakhtigan waxaa fashilmay sanduuqa horumarinta Somaliland deeq bixiyaashiina dib ayay uga fadhiisteen inay lacago ku shubaan danbe, kadib markii uu sanduuqu awwoodi kari waayey inuu dhamaystiro mashaariicdii hore, waxayna shuruud uga dhigeen in la dhamaystiro howlagii hore waana sababta keentay in loo kordhiyo wakhtiga oo markii hore ahaa 4 sanno imika se maraya 6 sanno,
Ninkan ajaaninbaka iyo xertisa ajaanibka ah oyo qolyo kale oo Somalia ah oo xidhiidho musuq maasuq lahi waxay naawilayaan in loo kordhiyo sanduuqa oo ay 4 sanno oo kale sii joogan waddanka.
Waxaa kaloo xusid mudan in mashaariic badan oo sanduuqa horumarinta Somaliland waday fashilymay,waxa kaloo jirta in mashaariic sanduuqa waday ayna xitaa ku guulay hal haw loo si buuxda u fashilmeen dhamaan lacagihii loogu talogalayna la cunay, waxaan maqaalka kan xiga ka hadli doona mashaariicda fashilmay sida mashruucii SDF ay la waday wasaarada biyaha oo gabi ahaanba ba fashilmay, waxan kaloo ka hadli doona wasaarad kasta iyo mashruuci ay la waday SDF
La soco qaybaha Danbe
Eng abdulkadir mattan
Hargeisa Somaliland
4414216