Niciima Abwaan Qorane Oo Maanta Xoriyadeedii Dib Loogu Soo Celiyey
Wararka magaalaga Haregysa ayaa sheegaya in maanta xoriyadeedii dib loogu soo celiyey Niciima Abwaan Qorane oo bilihii ugu danbeeyey ku xidhneyd Somaliland isla markaana maxkamadda Hargeysa ay ku xukuntay Saddex sano oo xadhig ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan inuu Madaxweynaha Somaliland muuse biixi u fidiyey cafis madaxweyne halkaas oo lagusii daayey Abwaanad Niciima Abwaan Qorane.
Naciimo ayaa lagu soo waramayaa in saaka xabsiga dibadda looga soo saaray, xilli ay ku dhex xanuunsatay xabsiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladeeda.
Naciimo Abwaan Qorane oo Baraha Bulshada dadka isticmaala ay si wayn u garanayaan ayaa durba la soo dhaweeyay in xuriyadeeda dib loo siiyo.
Warkaas oo faahfaahsan dib ayaan idinla socodsiin doona, ee ku xidhnaw Oodweynenews .
Niciima Abwaan Qorane