TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 21` aad .
SABABAHII KEENAY INAY WIIQMATO DAWLADU
- Duullaan debada kaga imanaayey oo ay ka mid ahaayeen duullaanadii Masaaridu ku haysay dawlada Sucuudiga kuwaas oo keenay burbur laxaad leh iyo is badal ku yimi dhaqamadii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyey bulshooyinka wada daga
- Qoyskii xukumaayey Sucuudiga oo ay dagaalo ka dhex curteen, sida wiilashii Faysal bnu Turki oo kale .
- Hoos u dhac ku yimi waxsoo saarkii dawlada iyo dhaqaalaheediiba, waxaan sabab looga dhigikaraa Abaaro iyo dagaalo keenay khasaare badan iyo sidoo kale duulllaan debeda ka imanaayey .
- Ku dhawaaqid ay ku dhawaaqeen qabaa`ilada qaarkood maamulo madax banaan iyagoo ka faa`idaysanaya fursada ka maqnaanshaha maamulkii reer Boqor iyo is qabqabsigooda .
Waxaana ka mid ahaa maamuladii ka go`ay maamulkii ibnu Rashiid oo kale sida aynu ku arki doono qaybaha qoraaladeen soo socda hadii Alle idmo .
DHAMMAADKII MAAMULKII REER AALLA SUCUUD
Cabullaahi isagoo iyo walaalkii oo uu dagaal dhexmaraayey ayuu waxa uu warqada u diray inbnu Rashiid isagoo ka codsanaya taageero
Mulatari iyo inuu gacan saar la yeesho oo uu uga hiiliyo walaalkii , waanu ka aqalay Rashiid arrinkii waxaanu u soo diray Cabdullaahi ciidamo laxaad leh oo fara badan , markii ay ciidamadi magaaladii qabsadeen kumuusan wareejin bnu Rashiid maamulkii magaalada Cabdullahhi ee , waxa uu kalahaa bnu Rashiid qasti iyo u jeedo kale oo ahayd inuu sii balaadhsado maamulkiisa Najda , waxaanu maamulkii magaalada Riyaad u magacaabay mid ka mid ah qaraabadiisa oo ka noqday xaakim , kaas oo uu la wadaajiyey maamulka Ammiir Cabdiraxmaan Faysal, sidoo kale waxa la rarray oo laqaaday lana dejiyey isaga iyo Ammiir Cabdullaahi iyo qaar kale oo reer Aalla Sucuud ah gobolka Xaa`il . Taasina waxa ay noqotay dhammaadkii maamulkii reer Aalla Sucuud iyo oo ifbaxii maamulkii Aalla Rashiid ee Najda
Maantana halkaa ha inoo joogo Maqaalku . Lasoco qaybta 22aad maalinta khamiista ah ee fooda inagu soo haysa Insha Allahu tacaalaa. Qalinkii:Maxamed Muuse Cilmi Qoraa/Mutarjim Bariise_77@hotail.com/www.facebook/maxamedbariise