Magaalada Jigjiga oo Maanta Bandow Ku Jirta
Wararka ka imaanaya Maagalada Jigjiga ee Caasimada Dowlad degaanka Soomalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta Ciidamo lagu daadiyay Gudaha magaalada waxaana la xidhay dhamaan wadooyinka Jigjiga.
Magaalada Waxaa ku sugan Ciidamo kala duwan waxaana la sheegay in halkaasi ay ka socdaan Kulamo u dhaxeeya mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Wafdiga ka socda Dowladda Itoobiya ee ku sugan Jigjiga waxaa hogaamineysa Marwada Raysal Wasaaraha Itoobiyaha Dr Aby Ahmed, wafdigaan ayaa la kulmaya Mas’uuliyiinta Dowlad degaanka waxayna kala hadlayaan Xaaladda degaanka iyo Guud ahaan Itoobiya.