Ragga Somalida Oo Ku Soo Badanaya Inay Dilal Argagax leh U Geystaan Xaasaskooda
Waxaa waayadan dambe soo badanaya dhacdooyin argagax leh oo aanan horay looga baran bulshada Soomaaliyeed, tirada ragga dilaya xaasaskooda ayaa soo badanaysa gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha.
Haddaba waxaan halkan ku eegaynaa qaar ka mid ah dhacdooyinkan.
Dalka Mareykanka, nin Soomaali ah ayaa lagu xiray Kentucky ee gobolka Arkansas, kaddib markii uu dilay xaaskiisa, sida lagu shaaciyay wargayska WFIE.
Booliska ayaa sheegay in Maxamuud Cabdiqaadir, oo 21 jir ah ay qabteen maalintii Sabtida ahayd.
Ka dib markii ay su’aalo weydiiyeen waxa uu Cabdiqaadir ku jawaabay in xaaskiisa laga yaabo inay tahay mayd ayna taallo gurigooda.
Booliska Henderson ayaa tagay guriga qoyskan ay daganaayeen oo ku yaalla magaalada Kentucky, waxa ayna heleen maydka xaaskiisa oo ku jira qaanad gudaheeda.
Cabdiqaadir ayaa lagu riday xukun ka dib markii lagu helay caddaymo ku saabsan inuu gabadha soo gaarsiiyey dhaawacyo.
Ninkan ayaa waxa uu daryeelayay ilama 9 bilood jir ah xilligii xabsiga loo taxaabayey. Ilmaha ayaa hadda waxa gacanta ku haya waaxda arrimaha daryeelka carruurta ee Arkansas.
Nin xaaskiisa ku dilay Kismaayo
Tacaddiyada ka dhanka ah dumarka ayaa ah kuwo isa soo taraya maalmahan, iyadoo lasoo tabiyay dhacdooyin kala duwan.
Bishii hore nin ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa xaaskiisa toogasho ku dilay, xilli ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo.
Askarigan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Asad ayaa waxaa wali dacwadiisa gacanta ku haya laamaha amaanka iyo kuwa garsoorka Jubbaland, welina go’aan kama dambeys ah lagama gaarin dilka xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Muxibo Maxamed Guurre.
Haweenay lagu magacaabo Muna Kuri ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, dalka Mareykanka.
Haweeneydan oo da’deedana lagu sheegay 36 sano jir ayaa warkeeda la waayey ilaa Sabtidii, waxaana markii danbe meykeeda laga helay isla gurigii ay ku nooleyd, iyadoo dhaawacyo ay ka muuqdeen qaarka hore ee jirkeeda.
Amiina Salaad oo la dhalatay Muna ayaa sheegtay in walaasheed aan dhowr maalmood xiriir laga helin, isla markaana uu jiro tuhun ah in ninkeeda uu ka dambeeyay dilkeeda, waxaana kiiska la wareegay Booliiska oo baaritaan bilaabay.
Saxaafadda Mareykanka ayaa sheegtay in Muna ay markeedii hore ka timid dalka Kenya, isla markaana ay ahayd qof dabeecad wanaagsan oo ka shaqeysa goob lagu xanaaneeyo carruurta.
Seyga haweeneyda la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdicasiis ayaa lagu tuhunsayahay inuu ka dambeeyey dilka xaaskiisa. Hase yeeshee, booliska ayaa sheegay inaan weli cid lagu soo eedeeyn dilka, ninkeedana uu yahay qof baaritaanka muhiim u ah.
Source: BBC Somali