Waxa Jira Dhalinyaradda Gurdan raaca ah oo Yaraysta Qaranimadda Somaliland ee dhiigga ku joogta
Nabadda iyo Xasiloonidda Somaliland Waa Midhihii, ka Soo baxay Halgankii iyo hiirtaanyaddii loo soo Maray Jiritaanka Somaliland, ee lamahadiyay.
Somaliland: Waxay ka Soo gudubtay Labbo Halgan oo dhaadheer oo lagu bixiyay Dhiig, dhaqaale iyo Maskax, Halganka hore waa dibu Xorayntii dalka oo qaadatay Muddo ka baddan toban Sanno, Si laysaga Fujiyo Niddaamkii dhiigyacabka ahaa ee halaag iyo huqda laga dhaxlay.
Halganka labaadina Waa dibu-dhiskii dowladdnimada Somaliland,Dibu heshiisiintii Iyo Xasiloonida Qarankani ku Faano. Haddaba Waxaa jira Dhalinyaro laac,raac ah oo aan fahansanayn Qiimaha Somaliland Ugu kacday Shacabka Somaliland, iyo Heerka ay Maanta Somaliland Marayso oo Si Waadax ah Innoogu bidhaaminayaa halka aynu ka Nimi iyo Meesha aynu u Socono oo ah In aynu gaadhno horumar Iyo tanaade. Lkn taasi waxay ku Xidhantahay In aynu Iimmaansano Waddankeena la,na Nimaadno Hal-abuur Waddaniyad ku dhisan Iyo horusocod lagu hirto.
cabdixaafidm2016@gmail