Golaha Guurtida Somaliland Oo Shaqadii Ka Joojiyey Xildhibaan Ka Qeyb Galay Munaasibad Dhaqan Oo Ka Dhacdey Maamulka Puntland
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa waxaa maanta warbaahinta u shaaciyey in ay shaqadii xildhibaan nimo ka joojiyeen xildhibaan ka tirsan golaha guurtida Somaliland laguna magacaabo xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldan Cabdiraxmaan
Xildhibaanka suldaanka ah ayaa waxaa uu dhawaan magaalada Carmo kaga qeyb galay munaasibad caleemo saar Beel daashe oo ka dhacdey maamulka Puntland.
Gudoomiye ku xigeenka guurtida ayaa sheegay in Xildhibaankaas ay guddi baadhis ah u direen isla markaana ay shaqada intaasi ka soo joojiyeen.
xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldan Cabdiraxmaan