Dib U habaynta Waddani iyo Xuquuql Insaanka W/Q: Cabdillaahi Xasan Jaamac
Xisbiga Waddani dhawaanahan waxaa ka socda isbedello waaweyn oo hab u socodkii xisbiga iyo dhabbihiisaweji kale u yeelaya. Waxa kamid ah dib u habaynta maamul ee maalmihii u danbaysay galaafatay xoghayihii hore ee xisbiga. Khudbaddii shalay ee Guddoomiyaha xisbiga ayaa iyana marxaladdan cusub tusaale u ah.
Xiiso gaar ah waxaa aniga ii sameeyay khudbaddiiguddoomiyaha xisbiga ee shalay, gaar ahaan tartiibta qaddiyadaha uu ka hadlay. Cabdiraxmaan Cirro sida la filan karayay kuma uu bilaabin mawduuca maanta ee la xidhiidha khiyaanada uu ku eedaynay xisbiga Kulmiye. May, waxa uu ku furfurtay isaga oo ku nuuxnuuxsanaya xorriyadda fikirka iyo cadaadiska Kulmiye ku hayo xuquuqda aasaasiga ah ee insaanka. Si aan looga baran ayuu Cirro midhmidh u soo qaatay gaboodfallada xukuumadda Kulmiye iyo denbiyada ay ka gelayso muwaadiniinta Soomaalilaan.
Waxa uu ka digay cabudhin soo muuqata isaga oo tusaale u soo qaatay bilawgii xukunkii nidaamkii Maxamed Siyaad Barre.
Mawqifka xisbiga ee arrintan xuquuqul insaanka waxaa uu mar kale ku caddaa shirka jaraa’id ee 18 bisha uu qabtay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigu oo uu kaga hadlay xukunka lagu riday Niciima Abwaan Qorane iyo Maxamed Cabdi Keyse.
Arrintani waxa ay xiiso u leedahay dhawr arrimoodba; in madaxda ugu sarraysa ee xisbigu ka hadasho marar kala duwan, iyo ay ku dhiiradaan difaacista dad taageeradooda eedo uga iman karaan. Waddani waxa madaxdiisi ugu sarraysaa ay canbaaraysay xadhiga Niciima Abwaan Qorane oo ku caan ah taageerada midnimada Soomaaliya, iyada oo Kulmiye mar kasta ku eedeeyo Waddani in uu janjeedho Soomaaliweyn. Marka laga yimaaddo in Waddani diir adag u yeeshay dacaayadaha Kulmiye, waxa ay arrintani muujinaysaa u heellanaanta xisbiga ee qaddiyadda xorriyatul qawlka iyo mawqif akhlaaqi ah oo aan danaha siyaasdeed ee degdegga ah ka duulayn.
Isbeddelkan ku soo kordhay xisbiga Waddani dheefo badan ayuu u yeelanaya xisbiga, shacabka iyo dhaqanka siyaasadeed ee dalkaba. Bogaadin iyo ammaan ayuu ku muutaystay iyo in lagu dhiirigeliyo horusocod.
Xisbiga waxa ay u tahay fursad uu ku dhisto hayb ka soocda xisbiyada kale. Habka ugu fudud ee hayb lagu yeesho oo ah lidka “X, cid kale” ayaa xisbiga Waddani, xattaa haddii aanu aragti siyaasadeed oo fog ka lahayn, ku noqon karaa gaashaanka xorriyatul fikirkaiyo halyeyga xuquuql insaanka. Waxaa taas saamaxday Kulmiye oo doortay in uu noqdo xisbi faashi ah oo hoggaaminaya dawlad cabudhis iyo jujuubiyo UCID oo aan danba ka lahayn. Haybtan cusubi waxa ay xisbiga u horseedisi kartaa hanashada taageeraal cusub iyo sii-haysashada taageerayaashiisi.
Si taasi u hirgasho, waxaa lagama maarmaan ah in Lidka Kulmiye laga gudbo oo qaddiyada xorriyaadku tiir aasaasi ah ka noqotaa dhismaha fakir ee xisbiga. Waa in ay dhab ugu duxdaa garaad-wadareedka hoggaanka xisbiga iyo taageerayaashiisa, si joogta ahna loogu celceliyaa ilaa ay sumad u noqonayso xisbiga. Waddani waxa uu fursad u haystaa in uu calanka u sido qaddiyadda gobanimada iyo karaamada muwaadiniinta reer Soomaalilaan, taas oo uu kaga duwanaanayo Kulmiye oo maalinba ta ka danbaysa usii eekaanaya xisbiga faashiga ee Soomaalilaan. Ha hadho xisbiyadii ay yarayd waxa ay ku kala duwanyihiin.
Shacabka reer Soomaalilaan ayaa iyaguna ka faa’idaya cod difaac adag u noqda xuquuqdooda Kulmiye weerarka ku yahay. Tani waxa ay xakame u noqonaysaa dawladda Kulmiye iyo cabudhinta horta leh ee ay damacsantahay. Mucaarad adag waa sida ugu hawsha yar ee lagagahortagi karo hanaqaadka nidaam faashi ah.
Saaxadda siyaasadda ee dalka ayaa iyana ka faa’idaysahirdan afkaar inay ka aloosanto. Difaaca Niciima Qorane iyo Axmed Cabdi Kayse, waxa uu durtaba furayaa doodda ah xuduudda xorriyadda hadalka. Halkee ayaa ay ka bilaabantaa xorriyadda shakhsigu, halkee se ku dhamaataa? Tusaale ahaan, Waddani marka uu ka soo horjeestay xukunka Niciima Qorane waxa uu qirayaa in aanay denbi ahayn in qofku cabbiro fikirkiisa haba kasoo horjeedo qaranimada Soomaalilaan e. Kulmiye ayaa dhanka kale u muuqda in uu taaganyahay mawqifka faashiga ah ee waddaniyadda iyo fikir-wadareedka ka hormarinaya xorriyadda shakhsiga.
Guntii, doorka mucaaridnimo ee Waddani iyo dib u habayntiisa aad ayaa loo sugayay, haatan oo Kulmiye ay ka tan badatay guushii Noofeembar wakhtigeedi ayaa ay kusoo beegantay. Waxabogaadinmudan in mucaaradnimadaxisbigu ay xooggasaarayobaahidauguweyneedalkaoo ah dhawristaxuquuqdaaasaasiga ah eemuwaadinkaeexorriyadduuguhorrayso.
Cabdillaahi Xasan Jaamac
Saxafi madaxbannaan
Hargeysa, Soomaalilaan