Aabaha iyo Hooyada Dhalay Xaaska Madaxweyne Trump Oo Qaatay Dhalashada Maraykan.

Viktor iyo Amalija Knavs oo ah hooyada iyo abaaha dhalay xaaska madaxweynaha Maraykanka Trump Mrs Melania ayaa khamiistii lasoo dhaafay qaatay dhalashada maraykanka sidauu xaqiijiyay qareenkooda, waxay dhaarta ku mareen magaalada New York.

Viktor Iyo Amalija ayaa horay dalka maraykanka ugu joogay sharciga degenaanshaha ee loo yaqaan Green-Cardka kaaso oo ay gacan kasiisay gabadhooda Melania, laamaanahaan ayaa asal ahaan kasoo jeeda wadanka Sloveni.

Trump ayaa Horay u dhaliilay dadka maraykanka kusoo gala qoysnimada , wuxuuna arinkaas ku tilmaamey wax aan la aqbali Karin, xaaska madaxweynaha Maraykanka ย Melania ayaa sidaan oo kale dhalashada maraykanka waxay qaadatay sanadkii 2006dii, 2001 ayay maraykanka tagtay iyadoo ku gashay sharciga loo yaqaan ย โ€œdadka awoodaha qayru caadiga ah lehโ€ markaasna waxay ku shaqaynaysay dadka Iidheda sameeya.

Muwaadinka haysta sharciga degenaanshaha 5ta sano ee isla markaana dalka joogay ย ama loo yaqaan Green-card ayaa xaq u leh in uu dalbado dhalashada maraykanka. Qareenkooda oo ka qaybgalay dhaarintii la marsiinayay ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker