Gaadiidka Somaliland oo Ku Hungoobay War Kasoo Baxey Shirkadaha Shidaalka Ka Ganacsada
Gaadiidka Somaliland oo Ku Hungoobay War Kasoo Baxey Shirkadaha Shidaalka Ka Ganacsada oo Sheegay in ay Hoos U Dhigeen Qiimaha Iibka Shidaalka.
Kadib Markii, ay dhawaan Warbaahinta u Gudbiyeen, qaar Kamid ah Shirkadaha Ka Ganacsada Iibka Shidaalka, ee lagu iibiyo Kaalmaha Gaadiidku ka Qaataan, Shidaalka in ay hoos u dhigeen qiimaha lagu iibiyo Shidaalka oo bilihii u Dambeeyay, Kor uga Kacey qiimihii hore loogu iibin jirrey.
Haddaba, Wargalinta ay u gudbiyeen Qaar Kamid ah, Shirkadaha Ka Ganacsad Shidaalka Gudaha Somaliland, in ay hoos u dhigeen qiimihii ay kor u qaadeen oo ka badan 1$ dollar oo lacagta Mareykanka ah haseyeeshee aanney Waxba Ka jirrin taasi iyadoo ay cadeyn u tahey in Gaadiidka intooda badani ku hungoobeen qiimaha la Sheegay, in laga Dhimey qiimihii lagu iibinayey Shidaalka Maalmihii u dambeeyay taas oo Marka la Weydiiyo Kaalmaha Laga Qaato Shidaalka wiima jabintii Warbaahinta laga baahiyay Khusuusan Shirkada Hasspatrolium Waxa ay Kaalmaha Shirkada Hass u sheegeen Shacabka Watta Gaadiidka Kala Duduwan in Qiimaha lagu iibiyo Shidaalka Naaftada laga dhimey 500sl shilin ah laga dhimey haseyeeshee, aan Qiimaha lagu iibiyo Petrolka Wax laga Dhimay jirrin habayaraatee, Maadaama aannu Wali soo gaadhin Magaalooyinka Waaweyn oo Caasimada Hargeysa kujirto Shidaalka Jaban ee la Sheegay in uu Soo gaadhay Dekedda Berbera.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa, dhawaan Sheegay in iibka Shidaalka iyo Keenistiisa Somaliland gudaheedu, uu Fasax u yahey dhamaan Shirkadaha Ka Ganacsada Shidaalka.
