Badhasaabka iyo Taliyaha Oo Xaalad Abuur Ka Wada Degmadda Oodweyne
Wararka Ka Imanaya Magaalada Oodweyne Ee Xarunta Gobalka Daadmadhedh Ayaa Sheegaya in Badhasaabka iyo Talliyaha Qaybta Booliska Ee Gobalkaasi Ay Xiisad Ka Abuurayaan Golaha Degaanka Degamadda Odwayne.
Badhasaabka iyo Taliyaha Booliska Ayaa La Sheegay Inay Qorshaynayaan In Xilalka Laga Xayuubiyo Maayarka iyo Maayar Kuxigeenka, Iyada Oo aan Sifo Sharciya Losoo Marin. Isla Markaana aanay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Wax Wara Ka Haynin
Talaabadan Ayaa La Sheegay In Bulshadda Degaanku aad Uga Cadhoodeen Oo aanay Ogolayn. Iyada Oo Buuq iyo Xiisad ka Abuuri Karta Degmadda Oodweyne,
Badhasaabka iyo Talliyaha Qaybta Booliska Ayaa Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Degmadda Oodweyne Ka Waday Qorshayaal iyo Falal Bulshada Lagu Kicinayo isla Markaana Lays Kaga Horkeenayo Xukuumadda iyo Shacabka Degmadda, Taasi Oo Abuuri Karta Dhibaatooyin Hadaan Xukuumadu Hadda Ka Hortagin.