KOBOCA DHAQAALAHA AFRICA.
Qaybtii 2aad:
Koboca dhaqaale ee Africa
&
Dagaalka lagula jiro .
Sida aan kusoo qaadanay mowduuceenii hore ee baxay wiigii hore , waxaynu kaga waranay intii alle inoo qadaray , koboca dhaqaale ee qaarada Africa , sida aanay reer galbeedku raali uga ahayn waaga cusub ee usoo baryaaya qaarada Africa ee dhanka dhaqaalaha , fufurnaanta siyaasiga ah , isdhexgalka bulshooyinka reer galbeedku kala takooray ee cadowtinimada dhexdhigay.
Koboca dhaqaale ee qaarada Africa waxa sababay xidhiidhka wacan ee ganacsi ee dhexmaraya qaarada Asia oo China hogaaminaayo , xidhiidhka awoodaha kale ee aduunka kusoo biiray sida Turkey oo qaarada Africa xidhiidh wacan oo iskaashiya la bilaabay , iyo Africa oo kalitalisnimadii ka sii xoroobaysa.
Dowladaha reer galbeedka ee hore uga maray dhanka warshadaha ( Developed Countries), waxay dagaal ku hayeen qarnigii aynu soo dhaafnay dhinaca dhaqaalaha ah , wadamada ku yaala qaarada Asia , waxaanay kala dagaalamayeen dhanka isku filaanshaha ganacsiga iyo wax soo saarka , iyaga oo aaminsan in reer galbeedku suuq kale oo ay wax soo saarkooda ka iibiyaan aanay haysan , hadii Asia isku filaansho ka gaadho dhanka wax soo saarka noocuu doono ha ahaadee, iyadoo ay Asia tahay ugu yaraan 38% suuqa aduunka ama macaamiisha aduunka wax isticmaasha ama wax iibsata .( Consumers ).
Dagaalkaas qabow ee dhaqaale ee reer galbeedku ku hayeen Asia waxay halku dhagoodu ahaa ,
Aan ilaalino caafimaadka aduunka ,
Nolosha aadamuhu khatarbay ku jirtaa ,
Hala ilaaliyo masuuliyad wadareedka nolosha ,
Si xilka bani’aadamnimo looga soo baxo ee ina wada saaran , waa in warshada la yareeyaa , intii jirtayna la xakameeyaa , oo macneheedu yahay aniguna aan warshadaha lahaado , adiguna wax soo saarka iibso oo warshad haynagu samayn ilayn caafimaadkay wax yeelaysaaye . aragtidaas ayay ku dagaalamayeen , wadamada Asia na sutiday u hayeen ilaa aakhirkii ay ka guulaysteen ,ilaa aakhirkii ay wadamada Asia yeesheen wax soosaar la mida kii reer galbeedku suuqyadooda ka iibin jiray , tayo ahaan iyo xadi ahaanba.
Fashilka reer galbeedka ee Dagaalkaas dhaqaale ee dhexmaray (reer galbeedka iyo wadamada Asia ee dhanka waxsoosaarka iyo isku filaanshaha) ayaa keenay in aragtida reer galbeedku is badasho oo ay la yimaadaan aragti kale oo ka duwan tii ay rumaysnaayeen.
Waxay reer galbeedku abuureen Aragtida ah is dhexgalka dhaqaale ee aduunka (Globalization) Iyadoo ay ku badaleen (Western Asian Trade Philosophy). Macmiil ii ahow hadaadAsia tahay , ama waxayga iibso.alaabtayda iibso , aniga ii ahow macmiil ( Consumers /customers ).
Waxaanay ka lahaayeen laba ujeedo mid dhaqaale iyo mid diineed oo ku waajahnayd wadamada islamka ah oo ay rabeen inay ka weeraraan dhinac dhaqanka iyo akhlaaqiyaadka asalka u ah nolosha suuban.
Aragtidaas ah aynu is dhexgal samayno ganacsigeenuna haysu goosho ,intaanay iman reer galbeedku way isku tixgalin jireen suuqyadooda Asia iyo Africa , manay ogolayn is dhexgal yimaada iyo ganacsi isu goosha ilaa lagaga adkaaday ,markaasay saaxiga keeneen. Shirkadahoodu wadamada ay wax gaynayaan way u kala qaybsanaayeen , markaad eego wadamada reer galbeedka shirkadahoodu siday ahmiyada ama marketka ay ku xisaabtamayeen inuu salka ku hayey wadan wadan , shacab shacab , inyar oo qurxina oo tartan ah oo indho sarcaad ahna dunida way tusi jireen .
Waxaan xasuustaa Siminaaro laga bixin jiray waqtigaas qaarada Asia oo ay hormood ka ahayd UN ta , hal ku dhagoodu ahaa ,(saamaynta ay aqoontu ku yeelatay deegaanka , dabeecada , iyo nolosha ) oo nuxurku ahaa markasta oo aqoontu meel sare gaadho , technolojiyadu horumar gaadho , waxay saamaysaa deegaanka , cimilada , waxa xumaata hawada oo kharibanta sabab qiiqa ayaa bata , sidaas aawadeed waa in warshadaha la xakameeyaa . garo oo reer galbeedku markaas diyaar uma aha inay tooda xakameeyaan ee waa uun Asia yaanay warshado samayn sabab hawadaa nijaasoobaysa. Goobtaas doodaasi ka dhacaysay waan xasuustaa waxaan ka mid ahaan dhagaystayaashii fadhiyey aniga iyo sxbkay mukhtaar xaaji cabaydh( Sarkaal ka tirsan hay’ada ACTION AID , madaxa shaqaalaha waqtiga xaadirka ah ,xarunta Somaliland ) , wax madow ah labadayadaas ayaa fadhinay .
Isku doo wada duub , wadamada qaarada Asia waxay hada muujiyeen inay diyaar u yihiin inay soo koriyaan dhaqaale ahaan wadamada Africa , Africana waxay muujisay furfurnaansiyaasadeed iyo mid dhaqaale , taasi waxay keentay in wadamo badan oo Asia ku yaala sida china ,india ay yimaadaan Africa , maalgashi ku sameeyaan dhinacyada kala duwan ee kaabayaasha dhaqaalaha , beeraha , shidaalka , wadooyinka iwm .
Waxaan xasuustaa companyga weyn ee BIRLA ee soo saara buscuitka iyo cakes ka iyo cuntooyin badan oo la isticmaalo , xasiida ama galayda , inta uu kusoo beero Ethiopia ayuu india ku warshadeeyaa . ga lay Ethiopia ka soo baxday ayuu india ku iibiya , waxa uu qaatay 35% dhulka wax laga beero ee dalka Ethiopia, sudan sidoo kale iwm.
Hada waxaa bilaamay in Africa qiimo weyn yeelato ,dihin tahay , waxaanay muujisay furfurnaan iyo inay fahamto cida dhulkeeda horumarin daacada ka samaynaysa , waxna ay kala badalan karaan taasoo noqotay wadamada Asia oo china hogaaminaayo , waxa bilaabay Asian African Trade oo ah in labadaas qaaradood sameeyaan is dhexgal dhaqaale ganacsi oo dunida wax ka badali kara.
Reer galbeedku waxay markaas bilaabeen inay ka hortagaan xidhiidhkaas cusub ee ASIA iyo AFRICA dhex maraaya , inay sii qabsadaan meelaha labada qaaradood iskaga xidhmi karaan, iskagana dhowyihiin , sida dekedaha , madaarada iwm. Iyagoo adeegsanaaya wadamo kale oo yaryar oo aan iyagu awood sidaasa oo ku lahayn aduunka .
Meelaha la aaminsanyahay inay iskaga xidhmi karaan labada qaaradood ee weerarka lagu soo qaaday wax aka mida xeebaha Somaliland, somalia , Congo DRC, Nigeria iwm.
Dowlada imaaraadka waxay qayb weyn ka tahay dagaalkaas , waxaanay u adeegaysaa reer galbeedka , waxaanay cadaw ku tahay horumarka qaarada Africa , ahdaaftaasna waxa fulinaysa shirkada DP world oo ah shirkad dowlada imaraadku leedahay , kuna shaqaysa siyaadeeda .
Dulaanka lagusoo qaaday marsada BERBERA , wuxu qayb ka yahay dagaalka dhaqaale ee Africa lagu hayo.
Dhamaad.
Abdirashid Hussein Yusuf.
Email:gahaydhle@live.com
Doha,Qatar.