Dawladda Hoose Ee Hargeysa oo Kulan la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatadii suuqa Waaheen.
Gudida Fulinta Dawladda Hoose ayaa Kulan Deg-Deg ah la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatadii suuqa Waaheen.
Kulankan ayaa Ujeedkiisu ahaa Sidii looga Tashan lahaa wax ka qabashada Dhibaatada ku dhacday suuqa Waaheen.
Ganacsatada ayaa lagu wargaliyay in ay haystaan mudo kooban oo ay suuqa kala soo bixi karaan wixii Hanti ah ee aanu dabku gaadhin ama dabku kari waayay sida khasnadaha gaarka ah.