BAAQ: Beel ka mid ah beelaha Somaliland Deeganada waaweyn ku leh oo Cabasho soo jeedisay
Beel ka mid ah beelihii Dhidibada u taagay Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay soo saartay qoraal ay ku muujinyaan Cabshada ay ku qabaan dowladda Somaliland.
Beesha ayaa ka cabanaysa Nidaamka hadda Jira ee Muuse Biixi Cabdi, oo duudsiiyey dhamaan xaquuqdii ay lahayd Beelweynta Cali Bare ee Habar Jeclo. taas oo uu beesha ka saaray dhamaan liis wax qaybsiga Dowladda Somaliland.
Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha iyo Ganacsatada beelweynta Cali Bare ayaa looga hadlay xaqduudsiin badan oo ay ka tirsanayaan Dowladda Somaliland, odayaasha ayaa kulankoodii ka dib waxaa ay soo saareen, qoraal dheer oo ay kusoo bandhigeen, deegaanada ay beeshu dagto, wax yaabaha ay tirsanayso ee xuquuqaha ka maqan iyo Baaq ay u jeedinayaa Dowladda Somaliland.
DAWLADA SOMALILAND
DATE. April-15- 2018
Ku: Madaxweynaha Dowladda Somaliland Hargaisa
Ku: Gudiga Doorashooyinka Somaliland Hargaisa
Ku: Gudooomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Hargaisa
Ku: Dhamaan Beelaha Somaliland wada daga
Ku: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Somaliland Hargaisa
Og: Qurba Joogta reer Somalilnad
Og: Culima Aw-diinka Somaliland
UJEEDO: CABASHO CADAALAD DARO DOWLADDA SOMALILAND KU SAMAYSAY BEESHA CALI BARE HJ.
Mudanayaasha qoraalkani tooska iyo ogaysiintaba ugu socoto waxaan la socdsiinaynaa in shir ay isuguyimaadeenWaxgaradka, Cuqaasha, Culima-awdiinka Nabadoonada, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Haweenka Beelweynta Cali Bare HJ.
waxay mudo 3 maalmood ah ka arinsanayeen cadaaladdarada ay katirsanayaan Dawlada Somaliland waxayna islagareen in ay idiins oo Gudbiyaan go’aanada kasoobaxay shirkaas.
Markahore waxaan idiin qeexaynaa degaanka beesha iyo meesha ay kaga jiraan canshuur bixinta iyo Sida ay beesha cali bare muuhiim ugu tahay dawladda Somaliland.
Beelweynta Cali Bare waxay degtaa gobolada Saraar, Sool, Sanaag, Buuhoodle, Togdheer. waxaan tusaale u ah in ay leeyihiin deegaano muhim u ah shacabka iyo Dawlada Somaliland xagadhaqaalaha iyo amnigga waxaaka mid ah:
- Degmada Caynaba iyo magaalooyinka hoostaga ee beeshu Degto
- Ceel Dhaab
- Habari heshay
- Qoridheere
- Berkeda Cali Xirsi
- Ceelcade
- Bali Cali
- Degmada Oog iyo magaalooyinka hoostaga ee beeshu Degto
- Badweyn
- Guumays
- Ceela helay
- Fadhi Xun
- Bukhdharkayn
- Butaweyne
- Soolqorijab
- Yeyle
Waxaa kale oo Beelweynta Cali Bare wax ka degtaa degmooyinka
- Degmada Waridaad
- Degmada Garadag
- Degmada Ceelafweyn
- Degmada Buuhoodle
- Degmada Yagoori
Gobolka Togdheer iyo Sanaag
- Burco
- Ceerigaabo
Canshuurbixinta:
Beeshu waa Beesha 1 aad ee Gobolka Saraar iyo Sanaag qaybo ka mid ah gobolada Sool, Togdheer ugu canshuurbixinta badan dhoofinta iyo soodejinta badeecadaha cadayn dhab ahna waa u haynaa marka loo xisaabtamo beelo.
Waxaan cadaynaynaa anaga oo degaanka intaas la‘eg leh degan Qabiilmarka loo xisaab tamana ka mid ah qabiilada uugu tirade badan Bariga Somaliland Qaybweyna ku leh Taariikhda Somaliland Ilaa xiligii Daraawiish iyo halgankii laga soo horjeeday dowladii maxamed siyaa bare canshuur bixintana halkaas kaga jira in aan ka madhan nahay dawladda Somaliland.
Xuquuqda naga maqan ee aan Garawshaha lahayn, Xaqna aan ugu leenahaay in aan Dowladda SOMALILAND ka helno waxaa ka mid ah.
- Ma lihin Wasiir buuxa oo Beesha u matala Dawladda Somaliland
- Ma lihin Agaasime Guud oo Beesha u matala Dawladda Somaliland
- Ma lihin Agaasime waaxeed, Kii ay beeshu lahaydna waxaa lagu badal mid Beel kale ka socda, oo beeshii laguma soo celin.
- Saraakiil ciidan oo beesha ah oo loo diiday in ay xilal sar sare ka qabtaan ciidamada Somaliland.
- Degaanka Beesha oo aad u balaadhan oo aan wax adeeg bulsho ah laga qaban.
- Ugudanbaybtii waxaa madaxwaynuhu noo balan qaaday Xil Wasiir oo aanay jirin cid nooga xaqleh oo ah Beesha Habar Jeclo ee gobolada Bariga.
- Intaas oo faah faahina waxaan ugu talogalnay in qofwalba uu arkaa dulmiga lanaku hayo, dulqaad badan kadib iyo garoow shiinyo la’aan walaalayahaya reer Somaliland gaarahaan madaxda siyaasadda waxaan kafursanwaynay in aan idin lawadaagno dhibkaas dadkiina kor kuxusanee isugujira maamul iyo wax garad muhimna noo ah beri hadii dhibyimaado la noosoo kiindiridoono.
SIDAAS AWGEED, WAXAA BEELWEYNTA CALI BARE ) KU BAAQAYSAA QODOBADA HOOS KU XUSAN:
- In amniga Somaliland siwadajir ah looga shaqeeyo.
- In Gobalada bariga ilgaar ah beelaha Somalliland madaama colaaduhu ku soo noqnoqdeen si wada jir ah na wax looga qabto.
- In Madaxwaynuhu beesha cali bare u magacaabo xil wasiir oo deg deg ah madaama uu noo balan qaaday.
- In madaxwaynuhu uu beesha tabashadeeda dhinac maamulka ka jawaabo oo wax kaqabto sida Agaasimeyaasha, ciidanka, golaha wasiirada.
- In uu Madax waynahu dhiso Maamulka Degmada Qoridheere
- Waxaan ugu baaqaynaa beelaha aan la siin xaqoodii ee reer Somaliland wadatashi si aan uga xaajoono sidii aan kuheli lahayn xaqeena inaga oo umarayna dariiqada ugu fiican uguna fudud ee aan wax yeelayn dalka ,dadka iyo diinta midna.
- Waxaan ugu baaqaynaa qurbajoogta beelweynta Cali Bare in ay isugu yimaadaan shir Wada tashi guud Bisha ugost. 2018 Somaliland meeshalagu qabanayo dib ayaa la ga soo sheegi doonaa insha‘alaah silooga tashado aayaha Beesha dhinaca siyaasadda iyo Hormarinta Bulshada.
ODAYAASHA SAXIIXAY:
- Nabadoon Maxamed Jamac Hasan
- Oday JamacXuseen Cl
- Nabadoon: Maxamed Maxamud
- Ganacsade: Yaasiin Xuseen
- Oday Saalax Xasan
- Ganacsade: C/qadir Maxud Jamac
- Ganacsade: Yuusuf Jamac
- C/qaadir Yuusuf Xirsi
- Aqoonyahan: Maxed Aadan Xasan
- Maxamud Jaamac Aaadan
- Dr: Xuseen Cismaan Xasan
- Xuseen Maxamud Cali
- Dr: Abdi Cali Maxamed
- A/weli Maxamed Jamac
- Abdi Barre Aadan
- Abdi Mohamed Abdilaahi
- Abdirisak Osman Hassan
- Abdiwahab Jamac Yaasiin
- Abdulahi Abdi Nuuer
- Abdulahi Haji Cige
- Abdulaziz Abdulahi Geedi
- Ahmed Ismail Mohamed (Lugo
- Ali Ahmed Mohamed Xirsi
- Axmed Aadan Jama
- Bare Salebaan Geedi
- C/laahi Maxamed Xuseen
- C/raxman Cali Jibriil
- C/waxid Cabdullahi Ibrahim
- Cabdi Cabdulaahi Jamac
- Dahir Farah Faras
- Da’ud Abdikarim Maxamed
- Dr. Abdulkadir Xasan Jamac
- Hamze Sheakh Xuseen
- Hassan Farax Mumin
- Mohamed Ahmed Cali
- Ali Osman Faarax
- Maxamud Axmed Maxamud
- Maxamed C/lahi Xasan Cali
- Maxamed Iidle Goolaaf
- Mohamed Abdi Yusuf Daahir
- Mohamed Ahmed Huluf
- Magaalada qoridheere Somaliland
- Ali Faarax Xirsi
- Cali Maxamed Xuseen
- Bashiir Maxamed Jaamac
- Jaamac Khaliif Maxamed
- Xasan Maxamed Cali
- C/raxmaan Cabdi Cismaan
- C/weli Ibraahim Sheekh Daahir
- Cali maxamed Samater
- Cabdinaasir M.Cali
- Faarax C/qaadir maxamed
- Farah Axmed Nuur
- Ibraahiim Saalax Daynamo
- Maxamuud Sh. Suufi Diiriye
- Saalax Maxamed Diiriye
- Maxamed Axmed Bagaf
- Maxamed Cumar Duunyo
- Maxamed Maxamuud Xeyd
- Sul:Maxamuud Maxamed Casayr
- Mustafa Maxamed Cabdullahi
- Sul:Jamac Maxamed Salebaan
- Nuur Maxamed Xasan
- Xasan Ibraahim maxamed
- Xuseen Maxamed Muuse
- Yuusuf Maxamed Ismaaciil
- Yuusuf Xirsi Mireh
- Aadan Ibrahim Cumar
- Aadan Maxamed Darwiish
- Ibrahiim Cabdilaahi Cumar
- Axmed Cabdale Suud
- C/laahi Cabdi Gaaruf
- Cabdi Ali Aden
- Xasan Ali Xuseen
- Muj:Cali Aadan Xuseen
- Muj: Cali Maxamed Nuur
- Muj:Cisman Libax Ibrahim
- Muj:Cisman Mukhtar Maxamed
- Dr. Ibrahiim Xasan Saalax
- Dr. Siciid saalax Cumar
- Dr.Khaalid Cumar Cali
- Eng Maxamud Maxamed Suxul
- Abdi Nuur Maxamed
- Cige Maxamed Yare
- Muj:Ibrahim Cali Cuma
- MujIbrahim Maxamuud Geed
- Muj:Maxamed Cali Rinji
- Maxamed Maxamuud Diiriye
- Ibrahim Cabdilaahi Guuleed
- Dr: C/laahi Cali Farax
- Dr:Ibrahim Cabdi Aadan
- DrYaasiin Faarax cali
- Maxamed Cabdi Cali
- Maxamed Cali Xuseen
- Maxamed Cismaan Nuur
- Caaqil: Maxamed Maxamuud Yusuuf
- Maxamed Mursal Cali
- Maxamed Rashiid Maxamed
- Caaqil: Maxamud Faarax Yaxye
- Maxamuud Cabdi Xuseen
- Caaqil: Abdi Mustaf Xasan
- Mohamed Geedi Jamac
- Ibrahim Xirsi Xasan
- Mustaf Jamac Hiirad
- Nuur Cali Aadan
- Caaqil:Salebaan cali ibrahim
- Abdi Maxamed Sheekh
- Cali Cabdulkadir geedi
- Caaqil:Maxamed Jamac Samater
- Maxamed ibrahim Diiriye
- Maxamed Xasan Aden
- Aadan Maxamed Kheyr
- Xasan Jamac Xuseen
Afhayeenka Beesha Cali Bare
Wabilaahi-Towfiiq