Qareennadii u doodayey Naciima Qorane Oo sharci-darro ku tilmaameen go’aanka maxkamadda
Hargeysa(OWN)- Qareennadii u doodayey Naciima Qorane waxaa ay sharci-darro ku tilmaameen go’aanka maxkamadda ay ku xukuntay naciima saddex sano oo xadhig ah, iyaga oo intaasi raaciyay in ay racfaan ka qaadan doonaan.
Qareennada waxay maxkamadda Hargeysa u gudbiyeen codsi ay kaga dalbanayaan in la baadho tacaddiyo ay sheegeen in ciidanka Sirdoonka Somaliland iyo Boolisku u gaysteen Naciima Qorane muddadii ay gacantooda ku jirtay.
Waxaa warqadda ku qoran in ciidanka sirdoonku ay ku qasbeen Naciima Qorane inay u sheegto numberka sirta ah ee telefoonkeeda haddii kale ay u xarayn doonnaan nin Neyjeeriyaan ah oo ay dumarka u xareeyaan isla markaana waxay doonaan ku samayn doonaan haddii ay diiddo hase ahaatee waxba ma dhicin.
Abwaan Naciima, oo horay loo xidhay January , ayaa lagu eedeeyey inay qortay farriimo ka hadlaya midnimada Somaliland, arrintaas oo xagjir ku tahay.
Horay waxaa ay u timid Muqdisho, iyada oo barnaamijyo ay ka qeybgashay ku ammaantay midnimada Soomaaliya arrintaas oo u cuntami weysay Somaliland.