Akhriso Sheekada Waayeelkii Kitaab Xooray:

Waxaa jira nin da’ah oo caan ka ah baraha bulshada ee Soomaalida, kaas oo dadku u yaqaanaan ninka ugu da’da weyn ee isticmaala Tiktok.

Ninkaasi wuxuu caan ku noqday muuqaalo madadaalo ah oo uu soo galiyo barta uu ku leeyahay Tiktok, laakiin sababta ay dad badan u daawadaan muuqaaladiisa ayaa ah, shaqada uu horey u qaban jiray.

Magaciisa waxaa la yiraa Shriif Xuseyn, waa 58 jir, waxa uu ku noolyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaan ku booqday xaafada uu degan ayahy.

Bartamihii snaadkii 2021 kii ayuu bilaabay in uu isticmaalo aalada Tiktok oo ah meel dhalinyardu ku kulmaan si uu wacyi galiyo dhalinyarada.

Shariif ayaa yiri: “Tiktok waxaan ku bilaabay – xaalad baa taagneyd oo xun oo aan fiicnayn oo dhaqanka soomaaliyeed iyo hada aan u fiicnayn, taa inaan wax kabadalaan ugalay horta”

Muuqaaladii ugu horeeyay ee uu baahiyo waxay ahaayeen kuwo uu uga hadlayo, wacdi, waano iyo nabi amaan. Isaga oo joogo masaajidka ama gurigiisa ayuu isaga duubi jiray taleefankiisa gacanta.

Laakiin markii uu dhawr bil waday hawshaas, waxay ula muuqatay in ay sii socan Karin, markii uu heli waayay dad badan oo dhageysta, waxa uuna badalay go’aankiisa.
“Meelba sida ay u taalaa loola yaalaa” ayuu yiri Shariif “waa in aan dhalinyaro isku ekeeyo oo hawshii dhalinyarada aan bilaabo si aan dadka u soo jiito…waxaan sameeyay waxyaabo mucjiso ah markii wacdigeyga iyo waanadeyda loo dhag dhigi”

Intaas kadib Shariif wuxuu bilaabay in uu iska duubo muuqaalo qoob kaciyaar ah, kuwa uu dadka madadaalinayo, iyo kuwa uu riwaayado jilayo.

Wuxuu iska xiiray garwayn oo midab guduud ah lahaa oo ay caan ku yihiin duqayda Soomaalidu, wuxuu gashtay surweel Jeenis ah oo luga dhuudhuuban iyo funaanado gacmo gaab ah.

Aaminaadda TikTok, walwal makugu haysaa?
TikTok shaqo miyaa laga dhex helaa?
Ninka TikTok ugu caansan ee aan hal eray dhihin
Kadib waxaa kor u kacay dadka daawanaya muuqaaladiisa iyo kuwa ku xiran bartiisa Tiktok.

Dhawr malyan oo ruux ayaa daawaday muuqaladiisa inka badan laba boqol oo kun oo qofna waxay u noqdeen taageerayaal.
Inta uusan bilaabin adeegsiga Tiktok ga Shariif wuxuu ahaa nin daaci mudo sodon sano ah.

Intii aan joogay gurigiisa wuxuu I tusay halka ay ugu kaydsan yihiin kitaabada diiniga ah ee uu raacan jiray, qaar ka mid ah ayuu soo bixiyay si aan u arko.

Kitaabada uu I tusay waxaa ka mid ahaa saddex kitaab oo kala ahaa; Nasaa’ix Diiniyah, Munaaqib iyo kitaab kale oo la yiraahdo Diibat al-Qarraa.

Dad badan oo faalo ka bixiya muuqalada Shariif waxay ku dhaliilaan in uu yahay nin ka leexaday dhabadii wanaagsanayd ee uu bilaalabay in uu iyaga ugu yeero, laakiin Shariif wuxuu aaminsanyahay in tani tahay wadada ugu dhaw ee wax ugu ugu sheego karo da’yarta.

Shariif ayaa yiri: “Isku xishoo, waad dhimaneysaada yeereysa, ma anaa moog inaan dhimanaayo? Waligeyna wax ma dilin, wax ma bililiqeysan, intaana waan dhex taagnaa carada, dhiig bilow aadana magalin”
Waxay u muuqataa Shariif in uu hirka la dabaashay, oo ay hogaamisay tirada dadka ka falcelinaya muuqaaladiisa.

Malaayiin Soomaali ah ayaa adeegsada baraha bulshada sida shariif oo kale, laakiin waxay u muuqataa in qaarkod ay ku talaxtageen adeegsiga warbaahinta bulshada, iyaga oo mararka qaar ka talaaba waxyaabo qiyam u ah bulshada iyo naftoodaba.

~ Bbc Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker