Koonfur Galbeed oo guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay duuleedka Baydhabo, soona bandhigtay Meydadka xubno ka tirsan Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal waabarigii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Burjeedka oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo.

Dagaalka oo ahaa mid dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeedka.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka saakay soo qaadeen kooxda jab xoogan lagu gaarsiiyay, islamarkaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda.

“Saakay Khawaarijta khasaare xoogan ayaa lagu gaarsiiyay weerar ay kusoo qaadeen deegaanka Burjeedka, waxaa looga dilay in ka badan 10 xubnood, ciidamada oo ayaa u diyaarsana weerarka khawarijta oo xogtooda waa la sii hayay, taas ayaana sahahay in jab xoogan la kulmaan Khawarijta” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir.

Wasiir Xasan Cabdulqaadir ayaa sidoo kale xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu sii wadi doono howlgalada noocaan oo kale ah ee  ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaate meydadka xubnaha Al-shabaab ee lagusoo dilay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Burjeedka ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, gaar ahaan fagaaraha loo yaqaano afar irdoodka ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo u soo daawasho tagay.

Ugu dambeyntii dhawaan ayay aheyd markii uu shaaciyay Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed in Maleeshiyaadkii ugu badnaa kooxda Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker