KASTAMADA: Berbera iyo Gabiley

Kastamada Cashuuraha ee dawladdu ma aha IL dhaqaale oo degmo gooni u yeellan karto si xuquuq cashuureed oo gooniya uga hesho sida Xoolaha , Beeraha , Kalluumeysiga , Dalxiiska , Xabkaha kale duwan , Shiidaalka, Macdanta iyo Kaabayaasha dhaqaalaha ee adeegyada fulliya sidda Dekaddaha ama Madaarada. Kastamku waa Check Point cashuur lagu qaado , waan wax kolba meel loo rari karo. Butlaan Kastamkii Tukaraq dib ayuun bay u rareysaa isla cashuur tiina wey hellaysa. Tusaale ahan  in Degmo (X) lagu furo iyo Degmo  Y lagu furaa wa isku mid. Allmacnow Cashuurta gaadhiga kaaga soo degay dekadda Berbera ama xuduudaha dhulka oo aad ka soo iibsatey dalalka jaarka ah innaad cashuurtiisa ku soo bixiso Kastamka Berbera iyo innaad ku soo bixiso ka Burco ma jirro wax farqi ah oo u dhexeeyaa ,  waa kolbii kii ay dawladdu kugu soo amarto innaad ku bixiso.
Dhinaca kale Allaabada ganacsi iyo hantida lagu cashuuro Kastamka degmo (X) sidda ka Berbera oo kale malaha kaliya dad ka soo jeedo degmadaasi ee waxaa lagu cashuuraa qaranka oo dhan laga yaabaa in ay reer Burco ama reer Hargaysa u badan yahiin dadka la cashuurayo. Kastamkii ay cashuurtaa ku bixin lahaayeen ayuun baa laga dhigay Berbera ama Kalabaydh siddoo kale waxaa laga dhigi karaa Dila ama Yagoori , cashuur bixiyahuna halkaas ayuu cashuurta geynaa ka dibna waraaqada cashuur bixinta ayuu u la tagayaa dekadda qoyan ama qalalan ama Madaarka ay wax uga soo degeen.
Siddoo kale waxaa muhiim ah halka lagu isticmaalayo ma cidda iibsaneysa allaabta la cashuuray sababta oo ah cashuur bixiyaha rasmiga ah ee Somalilaan waa macmiilka ee maha ganacsadaha soo dajiyey allaabtaas.
Tusaale ahaan ganacsade (Z)  wuxuu qiimaha cashuurta laga qaado ku daraa khaanada ( Cost ka ) sidda qiimahii allaabtu ku joogtay + adeegyadii sidda gadiidka + Cashuurtii laga qaaday= Cost , markaas ayuu jaangooyaa qiimaha allaabta lagu iibinaayo isagoo ku fadhiisiiya qiimaha lagu hellaayo macaashka u badan , waxay sax ku ahyd innuu cashuurta ka bixiyo dakhligiisa ( Income revenue ) ka dibna waxaa u soo bixi lahaa ( Net Profit ka ). Laakiin automatically ayuu cashuurta ugu
soo waaridaa muwaadinka macmiilka u ah. Siddaa daraadeed Telesom , Dahabshiil , 571 , Oomaar , Xarabi , Geelle , Indho Deero iyo ganacsade welliba ma ah cashuur bixiyaha rasmiga ah ee macmiilka ayaa ah. Siddaa daraadeed Gobolba Gobolkuu ka dad badan yahay ayuu ka cashuur bixin badan yahay.
Haddaba dakhliga dawladdaha hoose ee Berbera iyo Gabiley wuxuu 70% ku tiirsan yahay lacag adag oo toos looga siiyo Kastamyadda heer qaran ee halkaas ku yaalla. Dakhliga ka soo galla Cashuuraha sharcigu siiyey iyaga iyo dhigoodba waa wax faro guudkood ah. Ma jirto innaba xuquuq dheeraad ah oo ay kaga xigaan degmooyinka kale si loo naasnuujiyo. Tusaale ahaan 2013 kii Miisaaniyadda Dawladda Hoose ee Burco waxay ahyd 25 Billion oo SL Shillings Halka Berber na ahyd 40 Billion SLSH waad fahmi kartaa farqiga laxaadka leh halkuu ka yimi illeen Berbera & Burco waa labba magaalo
oo aad kula weyn ee. Waxaa kaloo xiise leh in isla sannadkaas ay isku dhaaweeyeen Borama iyo Gabiley oo Kastamka Kalabaydh looga gacal miisay. Caasimaddii Hargaysa na waxay ahyd 51 Billion SLSH , Kastamka Madaarka Hargaysa waxba kama hesho Hargaysi.
Waxaaba ka sii daran buugga miisaaniyadda laguma muujiyo qoondadaas qalloocaan.
Xasan C/qaadir Yuusuf (Hassan Garnayl)
xasancabdi999@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker