Britian oo Yaraynaysa Kaalmada Dhaqaale oo ay siiso Dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika.

Warbixinada kasoo baxaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in la helay Email ama fariin qarsoodi ahayd oo ka baxday dawladda Ingiriiska, taasi oo aan loogu tala gelin in la shaaciyo balse si sir ah ku gaartay warbaahinta caalamka.

Xogtan ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Ingiriisku ay qorshaysay inay yareyso kaalmada ay siiso qaar kamid ah dalalka bariga dhexe oo ay ku jiraan Suuriya iyo Labnaan, waxayna tilmaantay in %67 la dhimayo kaalmada ingiriisku siiyo Suuriya, halka %88 la yaraynayo dalka Lubnaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kaalmada la siiyo qaar kamid ah dalalka qaaradda Africa oo ay ku jiraan hoos loo dhigayo kaalmada Ingiriisku garsiiyo, iyadoo la tilmaamay in liiska dalalkaas ay kasoo muuqdeen Nigeria, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Kongo.

Kaalmadii Ingiriisku siin jiray Nageria ayaa warbixintu sheegtay in laga yaabo inay hoos u dhacdo %58, halka hoos loo dhigayo Soomaaliya %60, Koonfurta Suudaan ayaa la yarayn doonaa %59, iyadoo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo la dhimi doono %60, halka %63 uu Ingiriisku dhimayo kaalmada uu siiyo Liibiya.

Dukumiintiga iyo email-kan sida qarsoodiga ah lo helay ayaa ku taariikheysan bishii hore, iyadoo markii ugu horreysay ay daabacday shabakadda caalamiga ah Open Democracy kadibna ay si toos ah usoo bandhigtay, ayna sii gudbiyeen warbaahinada kale ee caalamka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dawladda Ingiriiska ayaa arrintan faallo ka bixisay waxayna sheegtay in aan waali wax go’aanno ah laga qaadin arrintaas, balse ay jiraan qorshayaal ladoonayo in lagu xakameeyo cudurka Corona Virus, sidoo kale Wasaaraddu waxay ku adkeystay in Britain ay sii ahaan doonto deeq bixiyaha muhiimka ah ee gargaarka adduunka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker