Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyey Injineerkii Dhisay Dhismayaashaa Mashaariicda Danta Guud Ee Somaliland 1950-2000

Alle ha u naxariistee waxa Aas Qaran Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuum Eng. Cismaan Daahir Aadan oo ahaa Engrkii dhisay dhismayaasha danta guud ee Somaliland wakhtiyadii u dhaxeeyey 1950 ilaa 2000 ayaa maanta Aas-qaran loogi sameeyey magaalada Hargeysa.

Eng. Cismaan Daahir Aadan oo dhismayaashii ugu badnaa fuliyey wakhtigii Bile Rafle Guuleed ka ahaa badhasaabka qaybo kamida gobaladii waqooyi ayaa mashaariicda uu dhismahooda lahaa waxa kamida, Tiyaatarkii magaalada Hargeysa, Dhismaha Carwada Hidaha iyo dhaqanka ee Hargeysa, Dhakhtarka weyn ee Hargeysa,Musta-jaamaca weyn ee Hargeysa, badi wadooyinka iyo biriidhjada Somaliland, dhismaha taalada dal-jirka dahsoon iyo mashaariic kale oo fara badan.

Marxuumka oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku xanuunsanayaayey magaalada Hargeysa, ayaa habeenimadii xalay ku geeriyooday isla magaalada Hargeysa, taasi oo galinkii hore ee maanta Aas-qaran loogu sameeyey xabaalaha Sheekh Nuur ee bariga magaalada Hargeysa

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan oo dhamays-tiran

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker