Wasiir Cali Koor oo Odayaasha Deegaankiisa Shirkula Qaatay Bohol Waraabe

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawlada  Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maalmihii ugu dambeeyey booqasho ku joogay Gobolka Sool ayaa waxa uu shalay Kulan gaar ah oo aan ujeeddiisa la shaacin la yeeshay Odayaal iyo wax-garad beeshiisa ee ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Puntland.

 

Kulankan ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo Cuqaasha iyo waxgaradka ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Puntland

Waxa uu ku dhex maray deegaanka Bohol Waraabe oo dhanka Bari ka xigta Deegaanka Tukaraq oo u dhaw xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya kaasi oo muddo dhawr saacadood ah ay labada dhinac kulan fool ka fool ah ku yeesheen, sida ay muujinayaan sawirrada shirkaasi laga soo qaaday oo lagu baahiyay Baraha Bulshadu.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxey masuuliyiinta labada dhinac ee shirkaasi ku yeeshay deegaanka Bohol Waraabe oo lala wadaagay warbaahinta oo markii horeba looga tagay magaalada Laascaanood.

 

Illaa hadda ma cadda ujeedada kulankan, balse waxa uu ku soo beegmayaa wakhti ay dadka deegaankaasi gaar ahaan kuwooda u janjeedhay dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ay muddoba saluugsanaayeen siyaasadda Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni iyo gaar ahaan siyaasadihiisa ku aaddan deegaamada Gobolka Sool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker