Maansada Dareen Guud

Maansadan waxa tiriyey cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish),Maansadan waxay si guud uga hadlaysaa dac-darada iyo dhibaatada ka taagan koonfurta soomaliya taas oo qayb weyn oo dunida ahi ay la socdaan dhibka ka jira.
Maansada wuxu abwaanku isku waydiinayaa waxaas oo dhibaato ah yaa wadankeena kuwada yaa baa’ba inoo horseeday waxaanu yidhi:
Yaa gumaaday dadkeenii
Yaa damiirkii dhaawacay
Dadnimadii haboonayd
Yaa dabargooyey haldoorkii
Dijaar hoos qarsooniyo
Yaa noqday qof daalina?
Yaa duulka soomali
U diiday noloshoo
Dhiigooda daadiyey?
Duruustii xadiiskiyo
Digrigiyo quraankiyo
Yaa dayacay diintoo
Daba maray jidkeedii?
Yaa doqoniimo qaatoo
Dadkooda kala diley?
Yaa dareenkii samaha
Iyo dunidoo wada taal
Yaa duugay oo nacay?
Yaa sharafta duulkay
Dalow dheer ka tuuroo
Dulinimada qaayibay?
Yaa dawladnimadii
Iyo soomali dawadeed
Umad kala durugtiyo
Ka dhigay duul-cadaawe ah?
Taariikhda dalkaygiyo
Dura iyo wixii aan lahayn
Yaa ilbaxnimadii duugay?
Yaa beleda igu deyroo
Ii dooray silicoo
Nabadiina ii diiday?
Yaa noqday qof daalina
Duminaaya dalkiisoo
Daba dhilifka saacida?
Yaa dibin-daabyiyo
Dabinada shirqoolka ah
Intuu boholo ii dedo
Ku degsiiyey dadweynaha?
Yaa dabro iyo weerariyo
Duulaana iigu jira?
Yaa shilinka doorbiday?
Yaa dulucdii ilaahay
Dawgeeda yaan marin
Yaa diiday soomali?
Adiguna dadow heedhe
Intii damqanaysaay heedhe
Dareenkoodu joogow heedhe
Taladii dadkaygiyo
Wanaagoo la dooniyo
Diintoo la raaciyo
Danyartiyo saboolkoo
Dantooda la dhowriyo
Dulqaadkoo la bixiyiyo
Dareenkiyo garashada
Iyo dirasho dheeriyo
Kii samaha diidoow
Godobtiyo daanada
Kii daba galaayoow
Kii doogta kiciyee
Uur doox abuuroow
Bulshadiyo dadweynaha
Dalaa dhacoodana
Ninka daawadee jecelow
Ninka shicibka damqayee
Diriciyo fariidkana
Degta kaga joogsanaayoow
Dugaagii arlada cunee
Duminaayey beeshoow
Bulshadii mideysnayd
Kii kala dilaayee
Dabka laysku qaatiyo
Daan daan u kala raray
Xayn daab u kala dhigay
Dadkaygii mideysaa
Ku shidaaya dogobkee
Duminaaya dhalashadoow
Dihaalkiyo gaajada
Kii i nala damcee
Dixdoo madhan iyo
Jecel darkoo gudhoow
Saadaasha degelkay
Kii u diiday wanaagee
Duligaa la doonow
Waligaa dayeysnoow
Duuflaalku idin laa
Iyo dabaylaha jaan
Dulin hoose idin daar
Danab idin gumaad
Daadna idin qaad
Gudcur dam ah habeen dumay
Daaimoow aloow
Duulkaa naga dhowr.
Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)
Cigaal1212@Gmail.Com 0634240189

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker