Maansada Gan buruuf

Maansada .gan buruuf

Keene iyo kordhiye

Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib waxa aan ku weydiiyay

Kuwan lagu sheegayo komishanka miyaanay damiir lahayn

Dalkan aawadood burburka qarkaw saran ma waxay garan waa yeen

Waar haddii dhibtu annaga tahay waanu is casillay.

Kordhiuye. Saaxiib haddaad aragto qof is casila waa qof daacada

Laakiin ku wani waa tuug tuuguna damiir uu isku casilo male

Xaaraantaa uu jaqayo ayaa qalbiga madoobaysa.

Immikana waa afartii.

Maansada  . gan buruuf (waa shaadhka xabadda celiya

Waxay soo baxday  safarkii bariga

Ee xoolaha badan lagu lunsaday

Gan buruufka baqaha xoogan iyo

Weliba baastoolad

Geesi aan baqayn baan uqabay

Biixigaa orode

Balse waa cigaalkii yartii

Beerka kala gooyay( cigaal shiidaad)

Bunduq yada kun gaadhaaya iyo

Eliba baybay-yo

Yo malaa yiinka loogu baxay

Geesta barigeena

Baahida ku awd bay ahayd

Buuxda ee tubane

Allaylahe burdaa raacay iyo

Baaqsi madaxeede

.

Boob kiyo xumaantii la galay

Berigi loo fooday

Badbaadada ninkii waday askari

Baaca ugu duugay

Isaguna balaayoo hacdiyo

Baaba, qarankiiya

Iyo inuu isagu taa bedelo

Ugu badheedh qaatay

Biiggaa qabsaday may ahayn

Beel qudhaay wada,e

Welibana intoodii bakhtiyi

Buugga haw sida,e

.

Waa taa askari boodayaa

Bililiqays taaye

Beri hore waxaad diiday iyo

Bahalihii qooqay

In mid yidhi anaa kii baxshoo

Beerka kala gooyay

Uu haddana dhiggiisii bedaa

Waata baaska ahe

Bulshadayda wacan yaan ha deer

Baaq udira yaaye

.

Waa baylah qarankii dhammaan

Bahalo hiigaane

Boqolaal halkii aad tagtaba

Buulal lagu ooday

Yo basaas agoon wada qabtoo

Cidi ka biinaynin

Oo busaarad tii ugu xumayd

Meel kastaba baahday

.

Intaa ay ba,adani sheegtayee

Beenna laga dhawray

Badhtan kooda yay ma gafayaal

Bilan ku maalaane

Bakhti waw xalaal kii lahaa

Taa bidduu wada,e

Beddel weyn haddaan lagu samayn

Oo bursigu joogsan

Beeri dhaw wax kale yaa imaan

Ee bal ila dhawra.

 

 

Guuleed liibaan   snm 1710@livecom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker