Soomaaliya oo farriin u dirtay duulimaadyada caalamiga ah

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada gaar ahaan Twitter oo ku aadanaa cabasho ay qabaan qoysas Soomaaliyeed oo doonaya inay Soomaaliya u safraan oo diyaaradda Qatar Airways waydiisay warqad ka socota Safaaradda Soomaalida ee Ingiriiska ayaa sababay hadal hayn badan.

Inkasta oo BBC Somali aysan xaqiijin karin warkaas, balse dawladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay.

war ay daabacaday safaaradda Soomaalida ee Ingiriiska ayaa lagu yiri: “Safaaradda Soomaaliya ee London wax shardi ah oo la xariira warqad laga doonaya musaafriinta oo ay rabto ma jirto”.

Dhanka kale hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxafadeed. Waxay sheegtay in amar dhankooda ka yimid oo shuruudo la kordhiyay ah uusan jirin.

“Dhamaa shirkadaha diyaaradaha ee sameeya duulimaadyada caalamiga ah ee ee ka yimaada Yurub iyo dhanka Maraykanka waxaa la faray in ay qaadaan xannibaada”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeeda.

Dhanka Qatar Airways, ma jiro wax faahfaahin oo ku saabsan arrintaan oo ay ka dhaheen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker