Dawlada Sweden oo sheegtay inay Shaqaalaysiin doonta Ciidamo u dhashay Norway , balse waa maxay sababtu?

 

 

Midowga booliiska Sweden ayaa xukuumadda dalkaas ugu baaqay in ay shaqaalaysiiso ciidamo booliis ah oo u dhashay dalka ay dariska yihiin ee Norway si loola daggaalamo saraakiil la’aanta haysata dalkaas.

Midowga ayaa sheegaya in saraakiil ka badan 250 sarkaal oo reer Norway ah aanay wax shaqo ah ku haysan dalkooda, ayagoo tababaran oo shaqo u qalma.

Midowga booliiska Sweden ayaa soo jeediyey in ciidamadaas la siiyo koorso soo wareejin ah dabadeedna laga shaqaalaysiiyo dalka Sweden.

Mas’uuliyiinta booliiska Sweden ayaa BBC-da u sheegay in aanay hayn qorshe ku aaddan in ay shaqo siiyaan saraakiil dibadaha lagusoo tababaray.

Ciidamada booliiska Sweden ayaa doonaya in sanadka 2024-ka ay shaqaalaysiiyaan 7,000 oo sarkaal oo cusub.

Si kastaba ha haatee, Anna Dennis, oo ah ku xigeenka madaxa Midowga booliiska Sweden, ayaa sheegaysa in ay jiraan meelo badan oo bannaan sababtuna waa Akaadeemiyadda booliiska Sweden oo guuldarraysatay.

 

 

Waxay tibaaxday in mushahaarka askarta la siiyo oo yar awgiis aanay dad badani soo codsan shaqada booliiska.

Labo sano iyo bar ayuu tababar qaadanayaa qofka doonaya in uu sarkaal booliis ah ka noqdo dalka Sweden.

Qofka codsanayana in uu noqdo booliis ayaa la mariyaan imtixaan dhanka lixaadka ah, mid maskaxda ah iyo mid dhanka sharciyada ah, qofka ayaa sidoo kale looga baahan ayahay in uu haysto rukhsad darawalnimo, in uu dabaalan karo iyo in uu haysto dhalashada dalka Sweden.

 

 

Ms Dennis ayaa sheegaysa in saraakiisha shaqaynaysa ay haysato shaqaale yari.

Dalkaas ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayey saraakiisha shaqada isaga tagaysa, tusaale ahaan sanadkii 2011 waxaa shaqada ciidanka ka tagay 612 qof halka sanad kii horena ay ka tageen 888 qof.

“Sanado badan ayay qaadanaysaa in tirada booliiska kor loo soo qaado oo aan gaarsiinno halka aan rabno” ayay tidhi Dennis oo BBC-da la hadashay.

Waxa ay sheegtay in Midowga ay madaxda ka tahay uu soo jeediyey in ay ciidamo ka shaqaalaysiiyaan dalka Jaarka la ah ee Norway waayo bay tidhi ” Waxaan doonayna in dhibaatada nahaysata aa xallino halkii aan cid walba u sheegi laahyn sida xaalku noogu xun yahay”.

 

 

Labadan dal ee dariska ah ayaa aad u kala duwan, Norway ayaa haatan haysata tobonaan sarkaal oo booliis ah kuwaas oo si buuxda u tababaran balse aan haysan wax shaqo ah sababo la xidhiidha dawladda oo aan dhaqaale u hayn.

Booliiska labadan ayaa ka wada shaqeeya ammaanka xuduudda u dhaxaysa labadaas dal oo qiyaas ahaan dhan 1,630km, balse waligood ma dhex marin barnaamijka ay saraakiil bannaanka uga keensanayaan.

Mas’uuliyiinta booliiska Sweden ayaa BBc-da u sheegay ” In ay wanaagsan tahay in lasoo jeediyo fikrad caynkaas ah oo cusub”

Si kastaba ha haatee shacriga dalkaas ayaa dhigaya in dhammaan saraakiisha booliisku ay ahaadaan kuwo haysta dhalashada dalka Sweden, iyo in qofku uu yahay mid ku dhashay dalka Sweden ama dalkaas ku noolaa ugu yaraan 5 sano.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker