MADAXWEYNE HANKU WAA WAX GUBA RAGGA !

mudane madaxweyne raggu hanku ninba meel ayuu kaga yimadaa , waana wax aadamaha dhamaan gaalo iyo islaamba uu ka siman yahay, sidasi oo ay tahay waa mide alle wuu ku guleyey hankagii , isaga oo og ujeedadiisa, iyo wuxuu umadiisa la rabo, mudane madaxweyne adna waad heshay hankagii , si ay kulaa noqonba ama hada kula tahayba, umad ayaad ayeheeda mustaqbal iyo nololeed gacmahaaga iyo fikirkaga ay ku jirtaa.
Hadaba madaxweyne , maanta ood sanad kadib u ambo baxday gobolada bariga isla markasina aad dooneysay kormeer una dhigtay safar shaqo, runtii kama muuqato yididiilo iyo fikir laga dheehan karo in aad ka kortay wadiiqadii kuwii ka horeyey, waxad isla si u jeeleysaa wakhtigii axsaabtu sineyd , adiga iyo cabdiraxman ciro iyo faysal ba ahaydeen ragga mudan in hareerahooda la joogsaado garabna aad u baahneydeen , mudane madaxweyne hada oo la dhaafay wakhtigasi kama aad nixin caruurta aan qaarkood bariisba dabka loo saarin, adigoo qasri weyn ka soo dhexbaxay, isla markasina kama aad nixin agoonta iyo rajeyda dagaaladu saameyeen intii aaad mucaaridka ku ahayd , dawladihii kala danbeyey , ha ugu horeyso tii aad ka midka ahayd ee SNM,
Mudane madaxweyne, haddiiba uu hankagu ahaa, guusha kursiga heshay oo hanataye ,umada u noqo hogaan wanagsan, oo hanashada himilada fog ee ay umadu u heelaneyd mudada dheer ee 27 wax dhaaftay hirgali, waxan u socdaa in aanad noqon , sidii doqontii sacabadaa leef leeftay, marka ay dharagtay, hadaba umadani sanad kahor ayay ku jireen halgankaga iyo himiladada hanasho , marka laga tago tirada lidka ku ah, ee iyagunaa dhanka kale ah, isla markasina maanta hadey hanan lahayeen dad badani qabaan in ay kaga hufnaan lahayeen leylintaa iyo hagidaa hawlaha qaran, balse toodii noqon weyday allena si uu ku xushayba ku xuley, alle na wuxuu quran kiisa ku yidhi qoom na ma duleeyo ilaa iyagu isduleeyan, hadaba inta aad ciro u yeedhayso , eed leedahay afkiisa ayan ku hadlayaa , waxaa kaga fiican adigoo yidhahda afkii qaranka ayan ku hadlayaa, balse talo waa ka hoostay,
Mudane madaxweyne waxaa hortaada yaala , arimo badan oo aad mucaaridi jirtay ood odhan jirtay ‘’ waa la hagraday lama qaban waayin ‘’ maantana kama yeelayno in aad caqligayga caydo, oo maalinba sida ay kula eekatay noogu yeedhiso , haddiiba aad ku naaxday kuwa abtirsiinta kula wadaaga , waxaanu yeeli wax kasta ood ku sameyseen kuwii idinka horeyey,waxananu noqon dhalinyaro adeegsata sharciyada , kuna dooda kuna dagaalama sixidaa sharciga iyo kala danbeynta , adiga iyo kuwa sacabka beenta ah ku tumayana waxay idinku noqon bir aydaan awoodi karin in aydun ka talaabsataan, taasina laba mid ayay noqon in aad sameyso xadhiga hadaba bilowga ah, iyo in aad u hogaansato in hanashada qaranka si haybad iyo milgo leh, Aad u hanato una hogaamiso umad is ogol isla markasina u hirgaliso baahiyahooda asaasiga ah.
hadaba mudane madaxweyne, adigoo odaygii qaranka ah, ayad maalinba muujineysaa, kalsooni daro iyo nin aan isaguba wali bogsan oo ay boogi bugto,waxaad maalinkasta mid wariye ah, ku hadidaa suaashiisa adigoo daba socda arimo horeeyey oo dhacay, waana waxyabaha lagu aqoonsado hogaamiyaha aar goosiga leh, amase ficil markasta aad u muujineyso , reerkiina iyo ilmadeeradaa aad ku difaacdaa taaiikho hore oo dad aan aqoon lahayn, ku kala dhex dhacday,
hadaba ma bogsan karaan, kuwa aad wakhtigoodii iyo caruurnimadoodii iyo qarankoodii kaga ciyaarteen idinkoo aan waxba u qabaneyn, isla markasina qabiil iyo qabyaalad isku dilaya isna ilmadeersanaya,
mase bogsan karaan,kuwa aad waxbarashadoodii calamka looga iman jirey ka daadiseen ee ka burburiseen,
mase bogsan karaan, kuwa aad aabayaashood SNM inta aad u raafteen ku aabo weyey,
mase bogsaan kartaa hooyooyinka aan maalina haka odhan. ?

Mudane madaxweyne hortaadaa waxaa yaal, iyo indhahagu waxay arkayaan waa kala laba kala duwan , waxanu kaga fadhinaa, samatabixinta qarankayga, oo aanu ciro looga fadhiyin faysalna looga fadhiyin,saleeban nuurna looga fadhiyin, balse kaliya adiga lagaga fadhiyo iyo inta kula golaha ah, eed xilka u magacaabtay,
Habeynta iyo hananka munaasibka ku ah, doorashooyinka iyo aqbalida badheedhaha axsaabta qaranka, ee ay ugu horeyso komeeshanka doorashooyinkaa qaranka , u baahan in la daardar galiyo lana kala diro , wayo waynu isla ognahay taariikhdii aad hortada ahayd,2009 aadii , waxad ahayd, hogaamiyihii xisbiga kulmiye ee markasta dalban jirey, xeer iyo xaqiiqo midna iyada oo ay dun u lahayn, aaney jirina dhib ka taagan komeeshinka oo aan ka ahayn qaskii kulmiye ee uu hoosta ka hurineyey, wakhtiguna aanu ka dhamaan, hadana madaxweynihii qaranku wuxuu qaatay talo odayeeyn, wanu kala direy.
Sidoo kale waxaa hortada taal talaabadii xisbiga kulmiye ka cawday 2005 doorashadii barlamaanka , isla markasina madaxweyne daahir rayaale kaahin u gudbiyey maxkaamaada qaranka si ay uga garnaqdo idinka oo dooneyey uun, dooraashada barlamaan oo aan hufneyn isla markasina aad rabteen in aad ku heshaan kuraasi badan, taasina ay keentay caqabada adiga maanta ku hortaagan, isla markasina hortaagneyd saxiibkagii aad la jabtay, hadana u hanjabtay, oo ay sal u ahayd balaaqadii iyo odhahdadii caan baxday, ee diidmada markasta la joogtay, sida odhahdadii ul baanu kaga soo saari iyo kuwa kale ee qaran jabka ahaa,
Sidoo kale waxaa hortada yaala ,hufida iyo yagleelida distuur dhaxal gal ah, in aad qarankan u sameyso, in aad hanato hawshasi iyo himilada bulshada ee mustaqbalka fog iyo kan dhawba, in distuuka wax ka bedel iyo kaabisba lagu sameeyo ,
Waxa hortaada yaala, heshiisyadii qaranka ee xukumadihii ka horeyey la galeen, beelaha qaarkood sida khatumo iyo waliba heshiisyo aan qaranka u lahayn faaiido oo hadba halka aad ka istaagto ay noqon doonto , mid laga akhrisan karo , hanankaga hogaamineed.
Sidoo kale waxaa hortaada yaala , wax ka bedelka hananka ictiraaf raadinta iyo hanashada quluubta calamiga ah, ee u baahan in lala ciyaaro siyaasado qunyar socodnimo iyo iskugu jira , dhiirasho iyo badheedhe qaranimo oo aan cidna laga baqayn, adigoo adeegsaanaya, quwadaha aduunka ee ku hirdamaya calamka , ama adeegsanaya awoodaada iyo ta shacabkaga in aad wax ku soo saarto si aanad u noqon la hayste, marba dhinac loo jiheeya u jiheysta.
Noloshuna waa ciyaar sida film ka ah, waana hadaba mida aad dheesho akhiro iyo aduunyaba ku islaaxisa .

Sir Mohamud Hussein Mohamed awliyo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker