Gabadh Madow Oo Lagu Toogtay Magaalada Ohio Ee dalka Maraykanka

Sarkaal booliis ah ayaa magaalada Ohio ku toogtay gabar madow ah oo dhalinyaro ah xilli ay ka jawaabeysay isku day dil mindi ah.

Toogashada ayaa ka dhacday magaalada Ohio Talaadadii abaare 16:45 ee waqtiga magaaladaas, sida uu sheegay wargayska Columbus.

Booliska Columbus ayaa markii dambe soo saaray muuqaal ka turjumaya sida ay wax u dheceen, oo muujinaya dad dhowr ah oo weeraraya qof ka hor inta aan gabadha la toogan dhowr jeer.

Baadhitaan ayaa socda, iyadoo saraakiisha ay ku boorriyeen dadka deegaanka inay isdajiyaan.

“Duhurnimadii gabadh yar ayaa musiibadan nafteeda ku wayday. Ma ogin faahfaahinta oo dhan, “ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Duqa Columbus Andrew Ginther. “Waxaan la wadaagi doonnaa macluumaadka aan awoodno isla marka ay soo baxaan,” ayuu raaciyay.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa xilli ay xeer-beegti ay sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker