Guurka gabdhaha kayar da’da 18-ka sano oo adduunka kusii yaraanaya

Hay’adda QaramadaMidoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef, ayaa sheegtay in xasaradaha caalamiga ah ee dhawaanahan sida Faafida Covid-19 ay gacan ka geysteen hoos u dhigidda iyo joojinta guurka carruurta ee adduunka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay walaac gaar ah ka muujinaysaa xaaladda ka jirta Saxaraha hooseee ee Afrika, taas oo ay sheegtay in ay u muuqato in ay soo celinayso isbeddelka guud ee hoos u dhaca tirada.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Unicef ayaa lagu sheegay in tirada gabdhaha la guursado iyaga oo aan gaarin da’da 18-ka sano ay hoos u dhacday tobankii sano ee la soo dhaafay, balse dhibaatooyinka caafimaadka iyo dhaqaalaha, colaadaha hubeysan iyo saameynta isbeddelka cimilada ay ku qasbeen waalidiinta qaar in ay u guuriyaan gabdhohooda.

Waxa ay ku qiyaastay in ku dhawaad 12 milyan oo gabdhood adduunka oo dhan ay noqdaan kuwo la guursado sannad kasta, iyada oo ku tilmaantay dhaqankan mid si cad ugu xad gudbay xuquuqda carruurta.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker