Wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya W/Q:- Rooble Cabdi Muuse

Maqaalkan waxaa aan si kooban se ku salaysan xaqiiqooyinka dawladnimo iyo sharci ee jira, ugu eegayaa wadahadalada Somaliland iyo Somaliya. Waxaan maqaalkan kaga jawaabayaa sadex su’aalood oo aan arkay in dadku aad isku waydiiyaan, aalabana la baal maro xaqiiqayinkooda, kuwaas oo ah :

1. Maxaa Somaliland uga meel yaal wada hadalada?

Waxaa marar badan aan arkaa dad is waydiinaya su’aashan, badidooduna ku dhaliilayaan dawlada in ay maqan tahay jawaabtu, oon la isla garanayn ama waxba laga qorin, maxay Somaliland qaadan kartaa ama uga meel yaala wada hadalada socda. Xaqiiqaduse sidaas way ka duwan tahay waxaa Somaliland uga meel yaal wada hadaladu, waxay ku taal Dastuurka JSL ee la ansixiyay 2001dii waana in ay SL tahay dal lasoo noqday madax banaanidii ay Soomaliya ku darsadeen 1960kii ay tahay dal gaarkeeda u madax badaan oo shacabkeedu heshiis ku yahiin. Sidaa darteed wada hadalka ay Soomaliya la samaynaysona waxaa gundhigiisu yahay xaqiijinta go’aankaas dastuuriga ah. Malahayga dadku waxa ay tabayaan siyaasaydii ama xeeladaysigii lagu heli lahaa taas oo maqan “recognition strategy and foreign policy”, oo aanan kasoo hor jeedsan karin lagana yaabo in wax ka jiraan. Laakiin waa in aan taas lagu khaldin aragtida iyo ujeedada aynu ka leenahay wada hadalada oo ah mid maalinta ka cad, lehna sharciyad, wax kasta oo intaas ka duwan ama ka sokeeyaana burinaya, meeshana ka saarya. Waa muhiim in la is waydiiyo sidee ayaynu ku hanan karnaa yoolkeena dawladnimo, waxaase meesha aan qaban maxaa inooga meel yaal ama aqbali karnaa maadama aynu 20 sano ka hor meel saarnay.

2. Siday ku bilaabmeen wada hadaladu?

Ka dib markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni isku taageeda 1991 waxaa la galay dedaalo dib loogu soo dhisayo dalka, 2001kii ayaa la ansixiyay dastuurka qaranka lana bilaabay hir gelinka nimaadka xisbiyada badan ee wadanku qaatay, waxaa lagu talaabsaday dib dhis, dib u heshiin iyo dawladnimo taabo gala, dhanka kale waxaa gabi ahaanba maqnaa dawladnimo ay yeeshaan Somaliyadii ay Somaliland ka go’aday, waxii ka danbeeyay 2012kii ayaa Somaliya yeelatay dawlad aduunku u aqoonsan yahay in ay geli karto heshiis Somaliyana metasho walaw aanay awood fulineed yeelan, taas ayaa ku begantay xili Somaliland dawladnimo buuxda oo dimuqraadiya leedahay, caalamka ula xidhiidha siyaabo kala duwan. Aqoonsigaas iyo soo jeedin ka timid beesha caalamka ayaa keentay in la bilaabo wada hadalo, laakiin maadama aanay labada dhinac midnaba daruuri u ahayn oo Somaliland aanay jirin wax wayn kaga xidhan Muqdisho, dhanka kalena ayba maqanyahiin adeegyadii asaasiga ahaa, dawladnimo shaqaynaysa iyo amniba, wada hadalada kamay soo baxin wax loo aayo aama taaba gala.

Ma jiro wax daruuri kaga dhigaya Somaliland in ay Somaliya la hadasho, taas badelkeeda ma jirto sababo ay Somaliland uga dhuumato wada hadalada. Markaas yaan loo turjuman wax lagu qasban yahay ama masiir ka umadu ku xidhan yahay.

3. Maxaa ka soo baxi kara kuwan hada socda?

Dawladnimoda Somaliland waxay ku dhisan tahay, go’aan, doorasho iyo awood siin shacab, xaqiiqanimadeeda caalamku si wayn ayuu iskula qirsan yahay oo marag ma doonto ah, waa sababta ay wadamo calaamka ka mid ahi si badheedha ula leeyahiin iskaashiga,  heshiisyana ula galaan Somaliland, sida Ethiopia, UAE, UK iyo kuwa kaleba. Sidoo kale dawladnimada ka hawl-gashaa Somaliland waa mid qaan gaadh ah, soona dhaaftay kaabadaha celiya dawladnimada curdinka ah. Sida aynu kor ku xusnay, rabitaanka Somaliland waa uu cad yahay waana meel, dawlada Soomaliyana uma muuqato in ay taas taageeri doonto, taas badelkeeda waxba kama badeli karto. Markay sidaas tahay lama filan karo go’aan masiiriya iyo isbedel wayn oo ka soo baxa wada hadalada. Waxaase laga wada hadli karaa, iskaashi iyo in lawada hadlo mustaqbalka iyo arimo noocaas ah.

GUNAANAD: way dhici kartaa in dawlada Somaliland ay ka doodo meel amaba ku doodu wax ka meeqaam hooseeya xaqiiqada dawladnimo ee Somaliland iyo in la dayaco fursado laga dhalin kari lahaa faa’iidooyin, siyaasadeed iyo dhaqaaleba. Waxaanse marnaba suura gal ahayn in Somalilandnimadu si fudud u wiiqanto ama cidi u wareejin karto. Caalamka iyo Somaliyada aynu wada hadlaynaana taas waa ku qanacsan yahiin.

Alla Mahad leh

Rooble Cabdi Muuse

talktoroble@gmail.com

Hargeysa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker