Africa Oo QM ka Dalbatay Inay Qabataan Kulan Deg-deg ah Oo ku Saabsan Cunsuriyadda

Wadamada Africa ayaa ku baaqay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee ee Qaramada Midoobay in si deg deg ah dood looga yeesho cunsuriyadda iyo dhaqanka naxariis la’aanta ah ee booliska, xilli Mareykanka iyo qeybo ka mid ah caalamka ay ka dheceen banaanbaxyo looga dhiidhinayay dilkii George Floyd.

 

 

Waraaq uu qoray safiirka dalka Burkina Faso u fadhiya xarunta QM ee Geneva, uuna qoray isaga oo matalaya 54 waddan ee Africa, ayuu ku weydiistay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee QM in ay qabato “dood deg deg ah”

Oo ku saabsan “xadgudubyada isirka ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, tacaddiga booliska ee dadka asal ahaan ka soo jeeda Africa, iyo rabshadaha ka dhanka ah dadka dhigaya banaanbaxyada nabdoon ee riixaya in la joojiyo caddaalad-darrada,” ayuu yidhi.

 

 

Waraaqdan oo ku socotay Guddoomiyaha Golaha Xuquuqda Aadanaha, Elisabeth Tichy-Fisslberger, ayaa lagu soo jeediyey in dooddan la qabto toddobaadka soo socda oo ah waqtiga uu kalfadhiga 43-aad dib howlihiisa u sii ambaqaadayo ka dib markii uu hakad-galay bishii March sababo la xiriira faafitaanka COVID-19.

 

 

 

Baaqan ka soo baxay dalalka Africa ayaa imanaya ka dib markii qoyska Floyd oo ay wehliyaan qoysaska dhibaneyaal kale ee rabshadaha booliska iyo in ka badan 600 ururo aan dowli aheyn ay toddobaadkan ugu yeereen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM in ay si degdeg ah uga hadlaan nidaamka cunsuriyeysan iyo la’aanta ciqaab ay la kulmaan ciidamada booliska ee Mareykanka.

 

 

 

In codsi ceynkan ah uu Goluhu tixgeliyo ayaa ah mid u baahan taageerada ugu yaraan hal dal.

Afhayeen u hadlay Golaha Xuquuqda Aaadanaha ee QM ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ay fursadaha in codsigan la meelmariyo ay korodhay maadaama uu baaqani ka yimid koox ka kooban dowlado badan.

 

 

 

Warqaddan ay dalalka Africa u direen Golaha ayaa si gaar ah loogu xusay kiiska George Floyd oo ahaa 46 jir ka soo jeeday bulshada madow ee Mareykanka, kaasi oo 25-kii bishii hore ku dhintay magaalada Minneapolis ka dib markii askari caddaan ah uu luqunta Floyd ku qabtay jilibkiisa.

 

 

Muuqaal laga duubay goorta uu falkan dhacay ayaa kiciyey banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay Mareykanka iyo dalal kale oo dunida ah.

 

 

“Waa nasiib-darro in kiisaska dhibaneyaal kale aan dilkooda lagu baraarugin maadaama aysan jirin muqaallo laga duubay oo lagu baahiyey warbaahinta bulshada,” ayuu Ambassador Dieudonne Desire Sougouri ku qoray warqaddan uu diray isaga oo ku hadlaya magaca dhamaan dalalka Africa.

 

 

 

Inkastoo warqaddani ay ku baaqeyso in laga doodo cunsuriyadda dhamaan dalalka dunida, hadana waxa ay si gaar ah hoosta uga xarriiqeysaa Mareykanka.

Gudoomiyaha Golah,Tichy-Fisslberger, ayaa Isniinta ku dhawaaqi doonta maalinta la qabanayo dooddan degdega ah ee la soo jeediyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker