Falastiin Oo Mar Labaad Diiday Deeq Uu Imaaraadku Usoo Mariyey Yahuudda

Maamulka Falastiin aya markii labaad diiday Shixnad gar-gaar ah oo uga timid Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira in loo soo mariyey Yahuudda, sida ay baahisay wakaaladda wararka AFP.

 

Tani waxay timid maalin kadib markii diyaarad ay leedahay Dowladda Imaaraadka oo gar-gaarka siday ay ka degtay garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv, sida uu baahiyay TV-ga Kan ee Israel laga leeyahay

“Waxaan diidnay inaan guddoono deeqda sababtoo ah waxaa lasoo mariyey Israel,” waxaa sidaas yidhi Wasiirka arrimaha bulshada Falastiin Hussein al-oo la hadlay AFP.

Markii hore, 21-kii bishii May ayaa Dowladda Falastiin waxay sidoo kale diiday in ay guddoonto kaalmo daawo ah oo ay siday Siyaarad ay leedahay Imaaraadka Carabta, taasi oo ka degtay Ben Gurion.

Dowladda Falastiin waxay diidmadeeda la Xidhiidh  la’aanta Mas’uuliyiinta Imaaraadka. Imaaraadka Carabta, Sababtoo ah Imaaraadka ayaa deeqda soo mariyey Israel, ayaga oo aan wax la tashi ama wargelin ah siin Falastiiniyiinta.

 

 

Falastiiniyiintu waxay tani u arkaan Yasmo iyo bahdilaan, sida ay sheegeen fallan-qeeyayaasha siyaasadda Carabta.

Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale rumeysan in doorashada Imaaraadka Carabta ee ah in gargaarka ay kala shaqeeyaan Yahuudda ay tahay tallaabo la doonayo in lagu caadiyeeyo Xidhiidhka ka dhaxeeya Israel iyo Imaaraadka.

 

 

Gargaarka Imaaraadka ayaa imanaya ayada oo Israel ay isku diyaarineyso inay bisha  Jully goosato dhulka Daanta Galbeed, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Israel ayaa rumeysan in haddii ay soo celiso xiriirka dalalka Carabta qaarkood sida Imaaraadka iyo Sacuudiga, ay Falastiiniyiinta ku qasbi karto inay aqbalaan qorshahan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker