Waxa Minneapolis ka socdaa waxay i xusuusisay Muqdisho iyo Baqdaad’’Mss Ilhaan Cumar
Duufaanno Debadbaxayaasha ayaa wali ka socda Magaalooyin iyo gobollo kala duwan oo Maraykanka ku yaal , waxayna galeen maalintii Shanaad banaanbaxyadani ka dhashay dilkii Goerge Floyd, oo ahaa nin madaw oo askari caddaan ah si ulakaca u dilay.
Waxaa dhacay khasaare iyo bililiqo aad u farabadan, duqa Minayaabalis ayaa dalbaday xiidammada millateriga ee dalkaas, maadaama xaaladdu isasii tarayso.
Badhasaabka ayaa sidoo kale sheegay in waxa haatan ka socda magalada Minneapolis ay xusuusiyeen Muqdisho iyo Baqdaad.
Ilaa 30 magaalo oo ka mid ah dalkaasi Mareykanka ayay mudaharaadyadu haatan ku faafeen.
Los angeles ayaa waxaa laga soo sheegayaa in gaadhi ay booliska leeyihiin lagu gubay.
Halka Atlanta iyo Philadelphia iyagana lagaga dhawaaqay Bandow si mudaaharaadyada rabshadaha wata loo xakameeyo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa xaaladaan ka taagan Mareykanka ku eedeeyey kooxa isu abaabulay, dhac iyo bililiqo oo ay dabada ka riixayaan kooxaha ay siyaasaddoodu tahay bidixda fog.
Chauvin oo ah askarigii qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayaa la xiray gelinkii dambe ee Jimcaha. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago Isniinta, isla markaana dad kale loo qabto dilka ninkaasi, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha deegaanka Hennepin, Michael Freeman.