MADAXWAYNE ADUUNKA WASAARADAHA MUHIIMKA AH EE WADAMADA ADUUNKA WAXA LOO MAGACAABAA QOF KHIBRADLEH . MAXAA SOMALILAND KA HOR TAAGAN IN AY SIDAA YEESHO? . Ayaanle maxamed ibraahin

Wadamada aduuka waxa lagu xisaabtamaa wasaaradaha ugu muhiimsan wadan kastaaba waxa uu lee yahay wasaarado wadan kaasi mu hiimad gaar ah u leh inaga wasaaradaha muhiimada gaarka ah inoo leh waxa ka mid ah wasaarada beeraha. Wasaarada xanaanada xoolaha wasaarada maaliyada , inaga wasaaradihii nuucaas ahaa waxa loo gacangaliyay dad aan gabi ahaanba wax khib rad ah lahayn aqoona war keedaba reeb waxad arkaysaa wasaaradii ugu muhiimsanayd ee wasaarada beerha waxa loo maga caabay qof aan haba yaraatee wax aqoon ah lahayn haday tahay midmaadi ah iyo haday tahay mid diini ah labadaba mar kaa miyaanay ahayn wadan kii dib ayaa loo socdaa halkii hore looga socon lahaa waa cajiib. Madax wayne ma adiga ayaa khaldan oo dib wadanka u wada mise umada somaliland ayaa kaa horaysa oo u baahan in aad soo gaadho aaway 30% kii wax soo saarka beerha ee wadan waan gaadh siinayaa aad lahayd markii ol olaha aad ku jirtay mise waxa ayad uun waan ku awra kacsananay sidii is laantaa awrku u kici waa yay ee tidhi jiilaani awrak ii kici markii awrkii u kacayna uu inankeedii yidhi hooyo maxaad is ku tihin jiilaani waxba hooyo waan ku awra kacsanayay. Waxa kale oo kasii daran aaway wixii mashaariico ahaa ee maalinkasta miidhiyaha laga sheegi jiray halkay ku dan beeyeen in aad wasiirkan kula xisaab tanto miyaanay ahayn hadii aadan beentaa iyo boro bagaadkaa aadan la ogayn madaxwayne waa in aad wax ka qabataa.
Hadii kale maxaad umada la hor iman barito marka hadhaw hadan loo baahdo umada .
Mudane madax wayne wax yaabaha aad ka ay uleedahay wasaaradani beeruhu waxa weeyi waa in markasta wasaaradani ka war hayso xaaladaha cuntada iyo wax soo saarka beeraha ee somaliland wasiiradii ka horeeyay wasiirkan hada joogaa waxa ay ahaayeen niman aqoon leh waxa jirtay in wasiirkastaa xili beereedku marka uu dhamaado uu shaacin jiray cuntada sanadkaa usoo go,day wadanka iyo qiyaasta ay gaadhsiisantahay hada lkn warkaaba cidi ma hayso. Waxa waxaa keenayna waa aqoon darada jirta.
Hadii aan tusaale usoo qaato wakhtigii prof. Faarax geedoole waxa la wada xasuusan yahay halkii ay gaadhay wasaarada beeruhu wadanka waxa uu gaadhay in Bariis la beero iyo Timir wax soo saarka kalena war kiisaba reeb .horumarkii la gaadhay waan wada og nahay. Maantana waan aragnaa halka xaal marayo. Madax wayne sida aad wasaaradii maaliayadaba u bad baadisay ayay kaaga fadhidaa bul shada somaliland in aad iyadana bad baadiso wasaarada beeraha. Hadii aad sii daawato waxa aad sii luminasaa kalsoonidii shacabka somaliland.

 

jama cabdile

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker