Dhaliishu dhib malaha, haddii aan la dhalan rogin

Haddii aynu dawladnimada u fahmno inta cid haybtada ahi joogto meesha, anay kuu muuqan dhaliisha iyo dhibka jiraa ee aad u haysato in ay arimuhu u socdaan dhanka toggan ma aha in aad layaabto in cida ay iyagana u muuqato dhaliishu ama ka eegaya dhanka tabban, waxa se arin habboon ah in aynu fahamno waxa ay dawladnimadu tahay marka hore.

 

Cida u haysata in dawladnimadu tahay summada geela reerkooda, waxa la gudboon in ay gartaan in dawladnimadu intaa ka mugwayntahay oo ay tahay heshiis  bulsho iyo niddaam dhex u ah dhammaan muwaadiniinta dalka kuwada nool, waxa se arin layaabkeeda leh ah in aynu isla garanayn intan.

 

Ogow inta badan dhaliishu waa mid wax toosisa ee ma aha mid dhib leh.

In hadba niddaamka jira lala xisaabtama ma aha arin ugub ah.

 

Garowshiyaha in hadba nidaamka jiraa uu mudo kooban joogaayo oo marba cidi immanayso ayaa ah arin mudan si marba kooxdaa wixii ka xumada loo toosiyana tusaale uma ah in loo macnaysto iyagu in aanay ahayn haybta markaa maamulka haysa, mida aynu rabno in aynu ka garawno ayaa ah in muwaadinku xaq u leeyahay in uu arin dhaliili karo.

 

Waa se, arin layaabkeeda leh in adigoon haysan aasa-siyaadkii nolosha oo la mid ah midkan wax dhaliilaya, ay ku ilowsiiso ka hadalka baahida jirta meesha waxa jooga Adeerkay oo waa markaygii, ilaa iyo inta ay jiraan arimahan waa hubaal in aanu jiray horumar iyo badhaadhe la hiigsadaa, waxay se bulshadu u baahantahay in ay isla fahmaan waxa dantooda ah oo ay dani ugu jirto madamoo ay leeyihiin durufo isku mida.

 

Haddii ay abtiirimadu ku ilowsiiso sida ay wax u socdaan, waa hubaal in adan adiguna layaabin midka arkaya dayaca iyo darxumada ummada, ee dhabada u haya in lagaadho cadaalad, sinnaan iyo horumar, tanayna dantu ugu jirtaa adiga iyo isagaba.

 

Qore: Caynaan Farax Caynaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker