Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay Taliyaal uu magacaabay Madaxweyne Deni

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa sharci-darro ku tilmaamay magacaabista madaxweyne Deni magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay heshay warbaahintu ayaa lagu sheegay in magacaabista taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa aan lagala tashan madaxweyne ku xigeenka taasi oo ka hor-imaanaysa Dastuurka iyo xeerarka kale ee u yaal Puntland.

Dikreetada ayaa lagu caddeeyay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa sidoo kale amar ku siiyay taliye ku xigeenkii madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker