Dawlada Turkiga oo Shaagtay in Imaaraatku dhibaato ka wadaan Wadamada Somalia iyo Yemen

Ankara (OWN) – Dowladda Turkiga ayaa dhigeeda Imaaraadka Carabta ku eedeysay iney Qalalaaso ka wadaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya, waxeyna arintaan keeni kartaa in xiisadda labada wadan u dhaxeysa ay sare u kacdo.

 

Turkiga waxaa lagu cambaareeyay kaalinta uu ka qaadanayo dagaalka Liibya maadaama uu halkaas geeyay dagaalyahanno kasoo jeeda Syria oo caawinaya dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

 

Imaaraadka iyo Masar, oo taageearaya ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ee isku dayaya inay qabsadaan caasimadda Libya, ayaa ayaga oo y wehliyaan Greece, Qubrus iyo Faransiiska, waxay soo saareen bayaan lagu cambaareeyey “faro-gelinta militari ee Turkey ay ka waddo Libya”.

Cavusoglu ayaa taleefishinka Akit ee Turkey u sheegay in Imaaraadka iyo Masar iyo dalal kale oo uusan magacaabin “ay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka oo dhan” wuxuuna si gaar ah u beegsaday Imaaraadka.

“Haddii aad I weydiiso cidda xasilooni darro ka wadda, cidda qaska abuureysa, waxaan dhahaynaa waa Abu Dhabi, innaga oo aan ka laba labeyn,” ayuu yiri. “Waa xaqiiqo inay yihiin quwadda deganaansho la’anta ku ridday Libya ee burburisay Yemen.

 

 

 

Cavusoglu ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay taageerayaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, halkaasi oo Turkey ay ku leeyihiin saldhig ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya.

 

 

 

Hadalka Cavusoglu ayaa yimid kadib markii wasaaraddda arrimaha dibedda ee Ankara ay Isniintii ay cambaareysay bayaanka shanta dal, islamarkaana ku eedeysay Faransiiska “inay isku dayayaan inay noqdaan taageeraha isbaheysiga naceybka.”

Imaaraadka Carabta weli kama jawaabin eedeynta Cavusoglu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker